Dad loo soo qabtay kab lagu dhuftay madaxweynaha Kenya

Warbaahinta Kenya ayaa ku warramaysa in saddex qof la xiray kaddib markii kabo lagu tuuray madaxweyne William Ruto, xilli uu dad la hadlayay.

Muuqaalo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, ayaa lagu arkay Ruto oo ka hadlaya dusha sare ee gaari xilli uu socdaal ku marayay galbeedka Kenya markii kabaha lagu tuuray.

Qofka kabta tuuray ayaa guulaystey inuu ka dhufto. Inta badan taageerayaashiisa ayaa cambaareeyay dhacdada.

Bishi Diisembar sanadkii 2008-dii, saxaafi reer Masar ah ayaa kabihiisa ku tuuray madaxweynaha Mareykanka xiligaas, George W. Bush.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker