Shiinaha oo maalintii saddexaad dhoollatus ku sameynaya Taiwan

Taiwan ayaa sheegtay inay diyaarado ku aragtay qeybaha bari ee dalkeeda, halka Shiinuhu uu sheegay in diyaaraddiisa Shandong ee nooca diyaaradaha qaada ay qeyb ka ahayd.

Beijing ayaa dhoollatuskan billowday Sabtidii kaddib markii Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ay California kula kulantay Afhayeenka Aqalka Mareykanka.

Dhoollatuskan looma arkin wax weyn sida kuwii ka dambeeyay markii Nancy Pelosi ay booqasho ku tagtay Taipei bishii August ee sanadkii hore.

Taiwan ayaa isu aragta dal mdax bannaan. Shiinaha ayaase u arka gobol ka go’ay oo mar uun la hoos keeni doono xukunka Beijing- si xoog ah, haddii loo baahdo.

Maanta, Shiinaha ayaa sheegay in dhoollatuskiisa uu guul kusoo dhammaaday. Taiwan ayaa hore u sheegtay inay ka war heshay 70 kale oo diyaaradaha dagaalka ah iyo 11 markab oo ku sugnaa hareeraha biyaheeda.

Khariidadda waddooyinka duullimaadka oo ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhigga Taiwan ayaa muujinaya diyaaradaha dagaalka nooca J-15 oo dul maraya bariga jasiiraddaas, iyadoo wasaaraddu ay sheegtay in militariga shiinaha uu makrii ugu horreysay sameynayo dhoollatus ah sida inuu weerarro ka soo qaaday dhanka bari, halkii uu kasoo qaadi lahaa dhanka galbeed oo ah halka uu dhaco dhulweynaha Shiinaha.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Taiwan, Sun Li-Fang, ayaa Sabtidii sheegay in ficillada Beijing ay si ba’an u saameeyeen ammaanka gobolka, isla markaana aysan Taiwan ka gabban doonin inay is difaacdo.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya inay u badan tahay in diyaaradahan dagaalka ay sidday diyaaradda Shandong ee Shiinaha, oo ka mid ah labada diyaaradood ee uu Shiinuhu leeyahay, kuwaasoo haatan ku sugan galbeedka badda Baasiifigga, oo ilaa 320km (200 miles) u jirta Taiwan.

Militariga Shiinaha ayaa xaqiijiyay maanta in Shandong ay qyeb ka ahayd dhoollatusuyadii maanta. Wuxuu sheegay in diyaaradaha dagaalka ay ku rarnaayeen rasaas ayna dhowr dhoollatus ka sameyeeen bartilmaameeydo muhiim ah.

Wasaaradda gaadhaandhigga ee Japan ayaa maanta sheegtay in Shandong ay sidoo kale howlgallo cirka ah fulisay maalmihii ka horreeyay dhoollatuskan.

Diyaaradaha dagaalka iyo helikobtarrada ayaa ka duulay kuna soo degay diyaaraddan qaadda diyaaradaha intii u dhaxeysay Jimcihii iyo Axaddii sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga ee Japan.

Sidoo kale maanta Mareykanka ayaa markabka nooca USS Milius, oo ah kan ka hortaga gantaallada u diray Taiwan.

Shiinaha ayaa sheegay in markabkan uu si sharci darro ah u dhex maray biyihiisa, halka Mareyanku ku adkeystay in howlgalkan uusan baalmarsaneyn sharciga caalamka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, Wang Wenbin, ayaa sheegay in isku day walba oo lagu taageerayo madax bannaanida Taiwan uu qalqal gelinayo nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Washington ayaa dhowr jeer ugu baaqday Shiinaha inuu ka gaabsado arrinta Twain kaddib kulankii ay madaxweyne Tsai la yeelatay Kevin McCarthy, oo ah ninka saddexaad ee ugu sarreeya ee ka socday dowladda Mareykanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker