Fallanqayn: Buugga Taariikhda Soomalida ee uu qoray Jaamac Maxamed Qaalib
Fallanqayn:Buuga Taariikhda Soomalida ee uu qoray Jaamac Maxamed Qaalib:
Buugan waxa uu ka kooban yahay 258 bog, cutubkiisa kowaad waxa uu ku bilaabmayaa naqdinta laba buug ee ay kala qoreen Cabdilahi Yuusuf iyo Cawil Cali Ducaale.
Qaabka uu naqdinayo iyo sida uu uga hadlayo iyo erayada aan ku fiicnayn asluubta ee ku qoran waxay kaa hor joogsanaysa inaad buuga dhamaysato, waxaan dhawr jeer isku dayey inaan cutubyada kale u gudbin maadaama oo kii kowaad qaabkan u qoran yahay, waxay ku fiicnaan inuu naqdintan ka saara buuga ama xaga dambe ku gabogabeeyo.
Cutubka kowaad waxa uu ka kooban yahay 25 bog oo buugaagtaasi ka horeeyey waxba kama jiraan ku sheegayo waxay qoreen iyo taariikhdii ay goobjooga u ahaayeen, qoraaga waxa ku badan aniga , aniga, aniga , taas oo laga fiican yahay.
Erayada naqdinta ah ee uu cawil Cali Ducaale buugiisa u isticmaalayo waxa ka mid ah been, been abuur, beenaale iyo aragtidii xabashida jeclaayeen buu qorey ama wuxuu iska jeclaa buu iska qoray.
Maadaama oo uu buugu naqdin u badan yahay waxay ahayd inuu magaca buuga u bixiyo naqdinta buugaagtii ka horeeyey ee dhigiisu qoreen.
Waxa qoraaga u fiicnaa inta uu buugaagtaasi wax ka sheegayo inuu isagu kaliya buugiisa ku soo koobo waxa uu ogaa iyo taariikhdii uu ujoogay, dadka ayey u taala markay isku akhriyaan sadexda buug ka runta u dhow, laakin may ahayn inuu garashada dadka isagu hago oo kuwo kale been abuur ku tilmaamo kiisana sax, maadaama oo sadexda oday ba isku jiil ahaayeen in uu isna dhankiisa taariikhdiisa qoro, ka dibna dadka akhrisan doona u daayo oo aanu sii dacaayadeen buugaagtii isaga ka horeeyey.
Taariikho iyo dhacdooyin badan oo uu qoray waxa ka muuqdo mid u janjeedha dhinaca Soomaaliya oo aragtida uu wali aaminsan yahay ku salaynayo.
Inta badan cutubyada way isa soo wada galayaan adigoo sheeko cutub hore ku jirtay ku akhriyey ayey cutub labaad dhinac ka soo galaysa markaasaad ku khalkhalaysa, marka qaarkood sheekooyin badan oo uu ka sheekaynayo ayuu kugu badh jaraya, waxanay dhalinaysa su’aalo uu buugu ka jawaabi lahaa.
Inkastoo aanan jecleen in qodob qodob uga hadlo si guud mar ah baan jeclahay inaan faalo uga bixiyo,qoraalada maskaxdaydu diiday inay qaadato, tusaale ahaan waxa uu odhanaya ururkii gobonimo doonka ee SNL waxa sameeyey beel, waxaanay xilka ugu sareeya ka dhigeen Maxamed Ibraahim Cigaal oo aan ka mid ahayn aasaasayaashii, iyago ay jireen dad la aqoon iyo kartiba ahaa oo qoyskaasi aasaasay ka mid ahaa, waxa kale oo aan biyo diiday in dad intay urur samaysteen qof kale oo dibada jooga ugu yeedhaan inuu hogaamiyo, hadii aan sidiisaba u daayo, hadii Cigaal xoghaya guud ee ururka SNL la siiyey maxa ninka kale ee isku beesha ahaayeena ka dhigay gudoomiyaha, gudoomiyaha SNL iyo xoghayaha guud isku beel bay ahaayeen wuxuu ahaa Sheekh Cumar Askar, ma dhici karta in dadkii aasaasay ururkaasi inay xilalka sare uga tanaasulaan cid kale oo aanay xilalkaasi waxba ka hayn.
Sidoo kale, waxa uu aad u naqdiyey siyaasadi Cigaal wakhtigii uu Ra’isal wasaaraha noqdo, waxaanu yidhi isagu reerkooda lama tashan jirin ee wuxu la tashan jirey madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmarke reerkooda , waxaanay sameeyeen sadex oday oo Daarood ah oo hadii ay is qabtaan u kala garqaada, waxaanu ku eedeeyey in aanu sadexdaasi nin Isaaq ku soo darin xiitaa reera kale ku soo darin.
Qoraagu marma muu xusin gudoomiyihii xisbigii gobonimo doonka ahaa, sidoo kale mar uu tirinayey ragii usoo halgamay gobonimo doonka ahaa qof qof buu u xusay iyo reerkooda, halka magacyo badan oo hal qoys ahaana aanu xusin beelihii ay ka soo jeedeen, qaarna wuu sheegayey beeshooda qaarna wuu ka tagayey.
Qoraalada qoraaga waxa iiga muuqday inuu inta badan khaladka saarayey siyaasiyiinta reer waqooyiga ah isagoo u xaglinaya dhina koonfurta, waxaanu aad u amaanaaya, Cabdirasaaq Xaaji Xuseen, Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Aadan Cadde iyo Siyaad Bare intii uu la shaqaynayey.
Marka uu tilmaamayo inqilaabkii 1961-lii waxa uu hadalkiisa u dhigaya inay saraakiishii inqilaabka samaynayey ku doodayeen inay dareenkii shacabka ka turjumayaan, waxaanu arrintaasku ku doodaya inay been tahay ee aanu dareenka shacabku sidaas ahayn ee saraakiishu iyagu darajo doon ahaayeen oo ay wax tabanayeen, sidaynu ognahay 80% dadku dareenkooda waxa uu la jiray inqilaabkaasi waxayna u arkayeen inay ku hungoobeen midowgii koonfur lala gallay, balse isagu sidaas ma qabo.
Sidoo kale, waxa uu ku doodaya in aftidii dastuurka aanay gobolada waqooyi diidin ee ay u codeeyeen, isagoo muujinaya shax odhanaysa waxa diiday 54,280 qof, waxaana ogolaaday 49,516 qof, sida dimuqraadiyadu tilmaamayso waxa la qaadanaya tiradda badan, waxaana la odhanaya aqlabiyadii way diiday dastuurkaasi, haseyeeshee siyaasi Jaamac Yare waxa uu ku doodaya lama diidin ee waa loo codeeyey isagoo is diidsinaya tiradda badan waxanu doonaya inuu taariikh cusub uu inoo sheego.
Sidoo kale, qoraaga waxa uu aad buugiisa ku amaanay mudadii uu shaqaynayey waxyaalihii uu qabtay, markii uu sirdoonka ahaa, markii uu wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka arrimaha bulshada ahaa wixi uu qabtay, waxa kale oo uu cutub gaar ah ka dhigay sidiii uu u xaliyey dagaal muddo dheer socday oo laba reereed oo reer Hargeysa ahi ku dhexmaray koonfurta Hargeysa, kuwaas oo socday illaa Afar sannno, waxaanu isku amaanaya inuu dagaalkaasi illaa maanta nabada lagu hayey uu isagu dhameeyey waxa kale oo uu xusaya laba oday oo hawshaasi kala shaqeeyey Ciise Gaboobe iyo Faarax Buurgaal.
Sidoo kale waxa uu ku doodaya in khaladka ugu weyn ee reer Somaliland kaga cawdaan Somalia ay iyagu sabab u ahaayeen balse aanay iyagu waxba u diidanayn, dhinaca kale waxa uu xusayey in waxbarashadii tayada badnayd ee waqooyiga taallay la baabi’iyey, maadama oo imtixaan walba iyagu ugu saraynayey, waxa kale oo uu xusayey in israacii labada dal la dhaqangaliyey oo baarlamaanku u codeeyen, iyagoo aynu ognahay in dastuurka Somaliya illaa maanta aan afti dadweyne helin, sidii gobolada waqooyi looga codeeyeyna uu yahay.
Dhinaca kale, waxa ku jirta taariikh aanan hore buugaag kale uga akhrisan oo faa’iido badan ka helay, inta kale buugaagta Cabdilaahi Yuusuf iyo ka Cawil Cali Ducaale way ku qoran yihiin waana akhriyey, sadexda buug xaga taariikhda way isku dhow yihiin laakiin aragtidooda ayaa ku dhex walaaqan oo mid walba marka aad akhriyeyso waad ka dhadhaminaysa rabitaankooda iyo siday wax u rabaan.
Buug kasta oo soo baxa oo goob joog qoro kolay wax uun baa laga faa’iidi, laakin dadkay u taalaa nin waliba waxa uu kala soo baxayo marka u isku qiimeeyo dhacdooyinkii uu hore usoo akhriyey iyo ka buuga ku qoran, run iyo run la’aantiisa qofka akhriyey uun baa kala soo dhex bixi kara oo qiimayn kara.
Qoraa Jaamac Maxamed Qaalib ku dheeraan maayo wuu ku mahadsan yahay inuu dhacdooyin badan qoraal ahaan uun inoogu soo gudbiyo.
Barkhad Maxamed Cumar