Xukuumadda Soomaaliya oo ka warbixisay shaqaaqadii ka dhacday garoonka Muqdisho

Wasiirada Amniga iyo Gaadiidka Soomaaliya oo ay weheliyaan madaxda hay’adaha ka howlgala Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ayaa kulan degdeg ah ka yeeshey shaqaaqadii maanta ka dhacdey garoonka.

Wasiirka Amniga XFS Xasan Xundubeey ayaa sheegay in ay socdaan baaritan doono ku aadan shaqaaqadii maantay ka dhacday gudah garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdiso.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in DFS aysan raali ka ahayn shaqaaqada ka dhacday garoonka isla markaana talaabo degdeg ahan ay ka qaadi doonaan cidii ay ku cadaato in ay ku lug leedahay.

“ falkii maantay ka dhacay garoonka waxaa u ahaa mid tabanay shacabka Soomaaliyeed waxaana la sameyn doona baaritan la xiriirah arinkaas, iyadoo wax laga waydiin doono hay’adaha ay quseyso dhacdadii maantay dhacday“. Ayuu yidhi wasiirka Amniga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker