Kooxda Daalibaan Oo Kasoo Horjeedsatay Xabad-Joojin Ay Samayso Bisha Ramadaan Ee Barakaysan

Kooxda Daalibaan ee ka dagaallanta dalka Afgaanistaan ayaa ganafka ku dhufatay xabbad-joojin uu usoo jeediyay madaxwaynaha dalkaasi Ashraf Qaani bisha barakaysan ee Ramadaan oo bilaabantay Jimcihii darteed, xilli ay Afgaanistaan la hardamayso sidii ay u xakamayn lahayd xanuunka safmarka ah ee Coronavirus.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay habeenimadii Khamiistii, afhayeenka kooxda Daalibaan Suhail Shaheen, ayaa waxaa uu ku sheegay in xabad-joojintu suurtagal noqon karto oo keliya marka qorshaha nabadda si buuxda loo hirgeliyo, taas oo macnaheedu tahay inaanay Daalibaan joojin doonin weerrarada xitaa inta lagu guda jiro bishan barakaysan ee Ramadaan.

Khilaafyo hor leh oo hadheeyay qorshaha nabadda iyo dib u dhaca is waydaarsiga maxaabista, ayaa kamid ah waxa keenay inay socdo dagaalku, iyadoo afhayeenka kooxda Daalibaan uu ku eedeeyay dawladda dalkaasi, inay maxaabiista kooxda Daalibaan ee u xidhan iyada ay u bandhigayso xanuunka Coronavirus oo khatar gelin kara nafahooda.

Afgaanistaan ayaa xaqiijisay in kabadan 1,300 oo ciis oo ah Coronavirus, balse khuburada dhanka caafimaadka ayaa sheegaya in tiradu ay intaa ka badan karto haddii dad kale laga baadho xanuunka, taas oo aad ugu adag dawladda dalkaasi inay samayso, maxaaa yeelay nidaamka caafimaadka Afgaanistaan oo aad daciif u ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker