Hogaamiyaha kooxda Wagner oo loo maleynayo inuu Afrika joogo

Hogaamiyaha kooxda calooshood u shaqeeystayaasha Ruushka ee Yevgeny Prigoshin, ayaa markii ugu horeysay ka soo muuqday muuqaal, tan iyo markii uu fashilmay afgembigii uu doonayay inuu ka geysto Ruushka.

Muuqaalkaas ayaa muujinaya inuu joogo meel Africa ka tirsan balse BBC-du uma suurta galin inay xaqiijiso halka lagu duubay muuqaalkaas.

Muuqaalka oo la soo dhigay barta Telegram ee kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ayaa muujinaya Prigozhin oo ku la bisan dereys iyo qalab dagaal, wuxuuna sheegay in kooxdu ay Afrika ka dhigayso “mid xor ah”.

Wagner ayaa la rumeysan yahay in kumanaan dagaalyahano ah ka joogaan qaaradda Africa oo la sheegay inay u joogaan dano ganacsi.

Askarta Prigozhin ayaa ku sugan dalal ay ka mid yihiin Mali iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika – halkaasoo kooxaha xuquuqul inasaanka iyo Qaramada Midoobay ay ku eedeeyaan inay galeen dambiyo dagaal.

UK ayaa bishii hore cunaqabateyn ku soo rogtay labada hoggaamiye ee Wagner ee howlgallada ka waday Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, iyagoo ku eedeeyay jirdil iyo dilka dad rayid ah.

Dagaalyahanada Wagner ayaa sidoo kale Maraykanku ku eedeeyay in ay ku taajireen heshiisyo dhanka dahabka ah oo sharci darro ah oo ay ka galeen meelo ka mid ah qaaradda.

Muuqaalka ayuu Prigozhin wuxuu sheegay in Wagner ay ka shaqeyneyso qodista macdanta iyo sidoo kale la dagaalanka xagjiriinta Islaamiyiinta ah iyo dambiilayaasha kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker