Faalada Oodweynenews: Maxaa Sababay Diidmada Qayaxan ee Bulshada Magaalada Burco Ka Muujisay Safarka Gobolada Bariga

Burco (OWN)Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo socdaal ugu baxay gobalada Bari ee Somaliland sanad kadib markii uu xilka qabtay, Lugtiisii koobaadna ku jooga magaalada Berbera  , ayaa la filayaa inuu kacdoon shacab kala kulmo bulshada ku nool Gobolka xaasaasiga ah ee Togdheer, Gaar ahaan magaalada madaxdiisa Burco

Shacabka magaalada Burco oo aan u diyaar garoobin soo dhaweynta madaxweyne Muuse Biixi, islamarkaana aanay muuqan niyadsami ay ku qabaan  imashada Madaxweyne Muuse Biixi  magaaladooda ayaa ka biyodiiday safarka madaxweynaha ee wakhtigan, isagoo hore uga baaqsaday Casuumad loo fidiyey mar Arday muglihi ka qalinjabinaysay Jaamacada magaaladaasi Burco.

Qaar ka mid ah Bulshada magaalada  Burco oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in madaxweyne Muuse Biixi ay ku dhaliilayaan in uu howlo kale kaga mashquulay, isla markaana howlo badan ay u baahnaayeen shacabka  gobolka Togdheer uu diiday.

Muwaadin  kamida bulshada magaalada Burco oo HCTV la hadlay ayaa sheegay in aan Madaxweynaha looga fadhiyin inuu ka gaabsado Xafladii qalinjabinta Ardayda Jaamacada Burco hadana magaalada u yimaado furitaanka jeelka,

Sidoo kale Muwaadin kale oo reer burco ah oo u la hadlay HCTV ayaa sheegay in reer Burco aanay sinaba diyaar ugu ahayn Muuse Biixi maadaama oo uu ka gaabiyey balanqaadyadii uu u qaaday xiligii doorashada reer Burco

Dhica kale reer Burco ayaa waxa ay sheegeen in Muuse Biixi uu sidoo kale ka horyimid mashruucyo muhiim u ah bulshada magaalada Burco,

Dadka qaar ayaa lagu soo xigtay inay dhigi doonan dibadbaxyo ka dhan ah Muuse Biixi, marka uu magaalada yimaado, si ay dareenkooda u muujiyaan.

 

 

Oodweynenews/Staff

Hargeysa/Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker