Muxu yahey ujeedada wada hadalka Somaliland iyo Somalia ee mudada dheer socdey ?
Somalidu waxey ku maah maahda โโ Aynu wada hadalno wa aynu heeshiinoโโ.
Mediation : Wa hawl fududeyn si mutadawacnimo uu u qabanayo dhinac seddexaad ( example Djibouti ) sii uga caawiyo labada dhinac ( Somaliland iyo Somalia ) ee colaadi ka dhexeyso si ay uu gaadhaan nabad waarta ( Sustainable Peace )
Shirka Djibouti ka furmey 14 June, 2020 ee wada hadalka ( โโ Mediation โโ ) Somaliland iyo Somalia wu ka meeqaam sareyey shirarki hore uga dhacey London 21 June 2012, Dubai 28 June 2012 iyo Turkiga, Istanbul ( Hal mar ) iyo Ankara ( seddex goor ) oo ki ugu dambeyey u aha January, 2015 iyo Djibouti 21 December, 2014. Waayo waxa ka qeyb galey madax badan sida madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, raโiisal wasaaraha Ethiopia Ahmed Abyi, madaxweynaha Somaliland Muse Bixi, madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdillahi Farmaajo, Safiirka Mareykanka Donald Yamomato, wufuud ka socotey IGAD, EU iyo AU.
Haddaba maxa keeney innu shirka wada hadalku waqtigan qabsomo culeyska inta leegna la saaro ?
Madaweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo waxa si qireysan oo aqlabiyad ah la doortey 16 February, 2017 isago wata barnaamij balaadhan oo nuxurkisu yahey innu soo celinaayo, kala dambeynti ( Law order ), karaamadi, midnimadi Somalia ee burburtey, cidhib tirka musuq maasuqa iyo argigixisada Al shabaab. Joojinta farogelinta siyaasadeed ee shisheye kow ka tahey farogelinta dawladda Ethiopia ee uu fulinaayo General Gabre . Haddaba marku xilki la wareegey madaxweyne Farmaajo wuxu damcey innu awood saaro sidu gacanta ugu dhigi laha awoodaha maamul gobleed yada oo qaar uu ku guuleystey sida maamulka Konfur galbeed isago adeegsanaya ciidamada Ethiopiya iyo maamulka Hirshabelle ee itaalka daran.halka uu ku guuldareystey hanashada maamulka Puntland iyo Jubaland. Waxa kalo sii kordhey qaraxyadi laga fulinaaye konfurta Somalia gaar ahaan magalaada Xamar, taaso mararka qaarkood ay ku naf waayeen dad shan boqol oo qof koru u dhaafey, dhulka badankisuna ay ururka argigixisada Al shabaab heysato. Waxa kalo dagaal adag oo siyaasadeed, dublumaasi iyo dhaqaale uu farmaajo ku qaadey jamhuuriyadda Somaliland isago ka faaโiideysanaya dhul gariirki siyaasadeed ( The thunderous Geo political change ) ee uu dhaliyey kacdoonki qomiyadda Oromada ee ka dhacey hogganka EPRDF ee talada Ethiopia gacanta ku heysey, oo marki u horeysey taariikhda Ethiopia loo doortey raโiisal wasaare Ahmed Abyi oo ah nin qomiyadda Oromada kaso jeeda, kaaso aragtidisa siyaasadeed ka duwan tahey madaxdi hore Ethiopia xukumi jirtey ee kaso jeedey Tigre iyo Amxaro, oo siyaasadoodu ku saleysneyd in dalkooda Ethiopia gacan bira ah ku maamulaan, Somalia iyo Eritrea na cadow taariikhi ah uu arkaan . Ahmed Abyi wuxu bilaabey innu mandaqadda ka sameeysto xulufo iyo isbaheysi siyaasadeed oo cusub, sidu iskaga caabin laha mucaaradadda kaga socota Amaxaarada, Tigreyga iyo qeyb ka mid ah Oromada. Waana sababta ku keliftey innu Eretria la heshiyo, Farmaajana gacanta ku dhigo.
Marka maanta dib loo jeleco waxa ka hirgeley qodobada barnaamjka siyaasadeed ee madaxweyne farmaajo iyado dhowr bilood ka hadhsantahey muddo xileedkisi waxey noqotey wax shacabka Somaliyeed ku hungoobeyn taageeradi balaadhneyd ee ay taageereyn maalinti la doortey. Haddaba danayaasha madaxweyne farmaajo oo Abyi Ahmed iyo Mareykanku hormood ka yihiin aya balanqaadyo dhaqaale iyo cadaadis siyaasadeed culeyska saarey Djibouti, International Community, xukuumadda Somaliland iyo IGAD, sii shirkan uu qabsoomo, sii loo buun buuniyo guulaha Farmaajo oo looga dhigo shacabka Somaliyeed in lagu soo xeero gelinaayo Somaliland. Haddaba sii shirka guulderro lagu kala tagin ( Face saving ) marka la ismari waayey ee Somalia dooneyso in Somaliland dib ugu soo noqoto midnimada Somalia, Somaliland na taagneyd horta ha la fuliyo qodobaddi hore lagu heshiyey intaan wax kale laga hadal, sida_ In si wada jir loo maamulo hawada _In aan la carqaladeyn mashaaricda horumarineed ee dhaqaale iyo in la qeybsado musaacadaadka dhaqaale iyo gargaarka biniโadamnimoโIn la iska kaashado arrimaha amaanka. Ayaa seddexdan qodob ee kor ku xusan seddex guddi loo xilsaarey.
Wa bilaahi tawfiiq,
Eng Bashe Cabdi Gaboobe ( MA in Peace building from Coventry University )