Heshiis Taariikh ah oo Dhexmaray Dawladaha Somaliland iyo Thaiwand

Xukuumadda Somaliland iyo dalka Taiwan ayaa kala la saxiixday heshiis Cusub oo ku Saabsan Xidhiidh   wanaagsan oo u bilaabmay labadan dal ee aan haysan Aqoonsi Caalami ah.

 

 

Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon oo dhawaan booqday Magaalada Taipei ee Caasimadda dalka Taiwan iyo dhigiisa ayaa Heshiiska kala saxiixday, waxaana Taiwan ay Aqoonsatay Baasaboorka Somaliland.

 

 

Wasaaradda Arrimaha Debedda Taiwan ayaa Qoraal ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in Somaliland ay tahay dal ay aad u kala fog yihiin, balse ay wadaagaan Jacayl qoto-dheer oo  ah Xorriyadda iyo dumiqraadiyadda ah.

 

 

Wasiir Yaasiin Maxamuud Faratoon iyo dhigiisa Taiwan ayaa sidoo kale ku heshiiyay xoojinta xidhiidh ka dhexeeya labada dhinac, isla markaana lagu saleeyo dhinacyo kala duwan, waxaana dalka Taiwan uu ku yaallaa bariga Qaaradda Aasiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker