WARAYSI:“Wax shan sano kaa xigto ayaan musharrax u ahay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE .. “

Waraysi xiiso badan oo wariye Cabdisalaan Hereri la yeeshay  Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo uu maaddaama oo uu muddo dheer ahaa ku-xigeen inuu doonayo inuu noqdo Guddoomiye, haddii xilligan uu socdo loolanka ku saabsan Cidda noqonaysa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, “Dabcan…way igu jirtaa, sababtoo ah Cid iiga xaq mudana ma jirto, waayo? Waxaan ahay Aasaase (Xisbiga KULMIYE)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey sababta uu uga dhex muuqan waayay Siyaasiyiinta loo hadal hayo inay Musharraxiin yihiin “Wax shan sano kaa xigto ayaan musharrax u ahay, waxaad la mid tahay Nin Qorigiisa ka sii furay Gabiley oo Rasaastii sii dhameeyay, isagoo dagaalku Wajaale ka socdo, markaa maxaad la gaadhi Aaggii dagaalku ka socday..”

 

Waxa kale u  ka hadlay  Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici)   In laga yaabo in Dadka Somaliland ku sugan ee qaba ama uu hayo Xanuunka dunida ku faafaya ee Covid_19 ay tiradoodu ka badan tahay lixda Qof ee illaa hadda Guddida Qaranka ugu xil-saarani shaacisay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker