Xildhibaan Cumar Nuur Xasan Waaye Oo Ku Dhawaaqay Waqtiga La Soo Gabagabeyno Xal U Helida Arrinta Korneyl Caarre Oo Somaliland Ka Soo Hor Jeestay

Xildhibaan Cumar Nuur Xasan Waaye oo ka tirsan Golaha Guurtida JSL isla markaana dhalasho ahaan ka soo jeeda Beesha Korneyl Caarre ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay xilliga la soo afjarayo xal u helida arrinta Korneyl Siciid Cawil Caarre oo ka goostay Somaliland isla markaana Jabhad sameystay.

 

Xildhibaan Cumar Waaye ayaa shalay ka hadlay halka ay marayso xal u raadinta arrinta Sarkaal Caarre waxaanu yidhi, “Waa arrin muddo soo socotey oo soo jiitantay oo ay rag badan oo Beeshiisa ka soo jeedaa ay ku hawlanaayeen xal u raadinta Sarkaalkaasi Somaliland hore uga goostay”.

 

Xildhibaan Cumar ayaa waxa kale oo uu sheegay waqtiga uu filayo inay arrinta Korneyl Caarre soo gabagabowda, “Waxaan ku rejo weynahay inay arrintaasi Maanta ama berri soo gabagabowdo oo ay ku soo gabagabowdo Wanaag, Wada Tashi iyo Nabadgelyo”. Xildhibaanku waxa uu intaasi uu ku daray, “Waxaanu aad iyo aad ugu rejo weynahay inay arrintaasi wanaag iyo is afgarad ay ku soo dhammaato”.

 

Sarkaalkan Korneyl Siciid Cawil Caarre oo in muddo ah ba ka soo horjeeday Somaliland tan iyo markii uu ku dhawaaqay Jabhad la yidhaa Dulmi diid ayaa marar dhawr ah iska hor imaadyo sababay dhimasho iyo dhaawac ay iskaga hor yimaadeen Ciidammada Qaranka.

 

Haddaba, Sarkaal Caarre iyo Jabhadiisaa ayaa maalmihii u danbeeyey waxay ku sugnaayeen gudaha dalka Somaliland, gaar ahaana Gobolka Sanaag sidaasi awgeedna Madax dhaqameedyo door ah ayaa ilaa hadda ku hawlan sidii xal looga gaadhi lahaa arrintaasi, balse natiijada waanwaantaasi ka soo baxda ayaan la garaneyn sida ay u wajahi doonto Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xildhibaan Cumar Nuur Xasan Waaye

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker