Somalia waxay ka Xun Tahay Horu markayaga ,, Wasiir Saleebaan Cali Koore
Hargeysa (OWN) – Xukuumadda Somaliland ayaa digniin u dirtay Dawladda Soomaaliya, oo ay sheegtay inay ka xun tahay horumarka, xasiloonmida iyo dimuqraadiyada Somaliland ka jirta.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq u diray Shacabka Somaliland, waxaanu ugu baaqay inay ka feejignadaan wax kasta oo lagu kala qaybinayo, waxaanu ugu horeyn yidhi “Somaliland oo Waddan xor ah,
Arimihiisa iyo Heshiisyadiisana waa u Xor, cid uu wax ka weydiinayana ma jirto, cid kasta oo isku dayda inay hor istaagana way ku xiiqaysaa, markaas Maamulka Muqdisho wuxuu quudhi la’ yahay horumarka, xasiloonida,
Dawladnimada iyo Qaranimada Somaliland ka jira, waxaanu uga Digaynaa Maamulka Muqdisho ee uu Farmaajo Madaxweynaha ka yahay in aanay Arimaha Somaliland faraha la soo galin,
Oo ay ku Akaadaan tooda, sababtoo ah anaguba arimaha Soomaaliya ma fara gashano, sidaas awgeed raali kama nihin in Waddan kale arimahayaga soo faragashado, cid kasta oo xadkayaga iyo qaranimadayada ku soo duusha, talaabo adag ayaanu ka qaadaynaa,”.