Imran Khan oo lagu xukumay 14 sano oo xabsi ah

Imran Khan iyo Xaaskiisa Bushra Bibi ayaa lagu xukumay 14 sano oo xarig ah maalin uun kadib markii ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan la xiray 10 sano.

Khan oo ay xilka ka riteen mucaaradkiisa sanadkii 2022 kii, ayaa saddex sano xabsi ku jiray kadib markii lagu eedeeyay musuq.

Talaadadii shalay ayaa lagu eedeeyay inuu bixiyay siraha qaranka, iyada oo maanta oo arbaco ah lagu xukumay 14 sano oo xabsi ah.

Wuxuu sheegay Imran Khan in kiisaska lagu eedeeyay oo dhan ay salka ku hayaan arimo siyaasadeed.

Xukunkiisaan ayaa ku soo aadaya xilli uu todobaad ka harsan yahay doorashada guud ee Pakistan taas oo loo diiday in uu u tartamo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker