Mihnidda Saxaafadda W/Q: Axmed Muuse Ismaaciil

Shaqada saxaafaddu waa dhib iyo kadeed, tacab iyo daal, waa mashaqo iyo diif, waa diihaal iyo noog, waa halgan iyo heegan.

Saxafigu waa ruux ku nool culeys iyo cadaadis shaqo, waa shaqo dheef iyo macaash yar, waa xirfadda keliya ee aan mudiirku ku qiimeyn ee Malyuumaad ku daawada ay ku maqan yihiin god dalooladaada iyo gaabiskaaga, toosintaada iyo tusmeyntaada, gef iyo sax ba.

Saxafiga hawl karka ah waa midka u dhabar adeyga kadeedka xog gudbinta, baadi goobka warka, beeqaaqa macluumaadka, iyo sugidda xogaha uu hayo, waa qof isku hawla in uu xaqiiqooyin jira oo hadoodilan daaha ka feydo, waa shakhsi bulshada madadaaliya, maaweeliya oo u majaajileeya, waa qof  naftiisa ay halis ku gasho soo gudbinta warar saxan oo sugan, waa mid aan ku waaban cagojugleyn, hanjabaad , iyo cudud dhaqaale oo la saaro.

In aad noqoto weriye isku kalsoon, dhab wal oo jirtana aan ka gaban, qaawiya sir wal oo la huursado, inaad ahaato qof cod kar ah, garasho sarreeya, weydiimaha gole ka fuula, asaan hogseegin, ama qof leh aqoon sal fidsan; oo dhaqan leh, dhaqaale leh, siyaasad leh, diin leh ama nolol guud  ba leh.

Haddaba Hassan Gallaydh waa weriye karti leh, ku dhac leh, oo geesinimo u weheliso, weydiimaha la ma ambado, si toos ah , qumman oo saxar la’ baa uu  qofka martida u ah u su’aalaa. Korriin muddakar ah oo warfidiyeenimo ayuu la kowsadey, si hufan ayuu weydiinta u gudbiyaa, qof wal oo daawade ah na su’aashii xoqaneysay laabtiisa ayaa uu u yidhaahdaa.

In aan bogaadiyo, horumarka ku hambalyeeyo, dhiiri geliyo, oo erayga wannaaggiisa ifka inta la joogo u dhaho waa jid. Shaqadaas, dhibta leh ee aad bulshada u hayso, Mihnaddaas godobta badan ee aad ummadda u qaadey iyo Saxafanimada suruqda la’ ee aad noogu adeegto ku mahadsanid.

Hassan anigu macrifo u ma lihi, aqooninna  ma nihib, Ardeydii aan bare u soo noqdeyna kuma uu jirin, se, xilkan uu hayo, hawshaa uu maalinle inoogu qabto waa uu ku sharaf yahay.

Waxa uu u badheedhay hadh cad, Wmzee ga Djibuti, oo ku jira halkii “Shaagle  la ga baqay” la ga odhan jirey . Waxaan kaa idhi: “Merci beaucoup”  sidaas oo kale “vraiment je t’apprécie”.

 

 

W/Q: Axmed Muuse Ismaaciil

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker