Haween baa aduun is dhaafshay!

Haweenku waxay tan intii Xaawa la abuuray kaalin muuqata kaga jireen horumarka iyo kobcinta dadyawga iyo bulshooyinka ay ka tirsanyihiin.

Hadaba gaar ahaan haweenka Soomaalidu waa lafdhabrta bulshadooda waxaa la odhan karaa 65% waqtigan la joogo iyaagaa ayaa wada oo u ah shidaal iyo mishiinka riixaya koboca bulsho, waana cunsurka qudha ee ka soo dhalaalay masuuliyadii ay bulshadooda u hayaan balse baradhaafiyay halkii laga filayay.

Haweenku waxay kaalinta koowaad kagga jiraan bulshada Soomaaliyeed hadii laggu eego miisaanka saxda ah si dhab ahna loo xisaabtamo.

Shaqada haweenku hayaan lagga bilaabo markay raad dhaqaajiso ilaa ay godka ka gasho waa adeege bulsho oo aan lahayn hawl gaara oo xadidan.

Horumarka aduunkuna dalwaliba waxa uu maanta ku naaloodaa hadba sida dumarkiisu ugga qayb yihiin ka qayb qaadashada adeegyada bulsho ee jirra waxaanan odhan karaa
“ Dadyawga Aduunka Haween baa is dhaafshay”

Guusha iyo horumarku maaha mid la gaara ragga balse waxaa door muhiima ku leh Haweenka oo la’aan tood ay yartahay in guul iyo horumar la gaadho :

“ gare iyo guntenaba maalintuu iskugu baydhay
Allaa noo gargaaree markii shicibku guulaystay”

Maanta waxaa muqata in iskuulada, Jaamicadaha, goobaha shaqada iyo ganacsigaba ay si aada ugga muuqdaan haweenku una baahan yihiin in la siiyo tixgelin gaara sidii loo jihayn lahaa.

Hadaba waxaa muhiim ah in dib loo shaandheeyo afkaarta qaldan ee aan ku dhisnayn aragti cilmiyaysan diin ahaan iyo caqli ahaanba ee dadka qaarkii ka aaminsanyihiin dumarka waana in si saxa (productive) ah looga faaidaystaa awoodaasi iyadoo la dhawrayo xuquuqda iyo sharaftooda.

Waxaa loo baahan yahay in aynu ula falgalo isbedelka caalamka ka socda iyo korodhka baahiya baniaadamka ee jirra si waafaqsan diinteena, dhaqankeena suuban iyo jirtaankeena ummadnimo.

Mudooyinkan danbe waxaa soo if baxaysa in gabdhuhu ka horeeyaan inamada xagga waxbarashada sidoo kalena ay ka badanyihiin dhalasho ahaan, taasina waxay keenaysaa in loo helo maarayn caafimaad qabta jihayntoodu oo aan la dhayalsan oo loo baahanyahay in loo helo ku talagal iyo qorshe cilmiyaysan oo la jaan qaadi kara baahida dhaqan dhaqaale ee inaggu soo fool leh.

Waa in ay helaan haweenku si la mida ragga:

? abaalmarinta dalacsiinta iyo siinta fursadaha aqoon korodhsi oo aan lagga takoorin, oo aan loo arag in ay yihiin faraawil (The flowers) lagu qurxiyo xafiisyada) sida ragga qaarkii aaminsanyihiin.

?Waa in looga diyaariyo sida wasaaradaha,jaamicadaha iskuulada Shirkaddaha suuqyada ganacsiga,xabsiyada( jails), Masaajidada, meelo u gaara oo ay ku tukadaan, waysaystaan,suuliyo iyo nasashoba oo loogu tala galaa.

?waa in lagu tababaro Booliska, garsoorayaasha iyo qareenadaba in ay aqoon u yeeshaan nuglaanta haweenka loona fududeeyo in ay heli karaan talooyin sharci iyo taakulaynba si ay dacwadahooda u soo gudbin karaan una heli lahaayeen cadaalad.

? iskuulada iyo machadada ( institutions) waa in laggu dhigo laguna daro tuducyo ka hadlayaa xuquuqda qofka (citizenship rights) iyadoo la waafijinayo diinta.

?Waa in laga wacyi geliyaa bulshada oo lagga tirtiraa afkaarta iyo dhaqanka xun ee laga aaminsanyahay dumarka ayadoo la adeegsanayo qalabka war baahinta lana abuuraa barnaamijyo isugu jirra: talabixinno, suugaan iyo kobcin maskaxeed oo ay qayb ka yihiin aqoonyahanka, suugaanlayda, culimada iyo shakhsiyaadka ku dayashada mudani.

? Waa in si wada jira loola dagaalamaa cid kasta oo isku dayda ama ku tacadida haweenka, oo la mamnuuco dhamaan dulmiga, dhaqamada iyo fal tacadiyeedka lagula kaco haweenka lagana soo saaro sharci ciqaabeed laggu abaal mariyo qofkii ku kaca.

?waa in la siiyo oo loo dhiso xarumo (centres) ay gaar u leeyihiin si ay ugu qabsadaan kulamadooda uguna soo bandhigaan xirfadahooda.

?waa in laga qayb geliyaa talabixinta iyo in ay ka falanqoodaan arimaha khuseeya.

Qormadan waxaan ku soo afmeerayaa waa masuuliyad inna saaran dhamaan in laxaqdhawro haweenka lana ilaaliyo xuquuqdooda, sharaftooda si wada jirana looga shaqeeyo sidii aynu u heli lahayn bulsho ku wada nool cadaalad is ixtiraam ilaashatana diintooda iyo dhaqankooda kana nabad gasha in ay innagu milmaan ama aynu soo waaridno afkaarta ka soo horjeeda diinteena iyo dhaqankeena.

Allah baa mahad leh.?

✍️ Ahmed Abdulkadir Ahmed (Kayse)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker