Dagaallada goobaha Waxbarashadda ku dhex Mara Macallimiinta iyo Maamulayaasha Q.1aad

Inta badan Waxbarashada somaliland warbaahintu warar naxdin iyo murugo leh kamey sheegi jirin,Ardey Qalin Jebisey,dugsi cussub oo la furey iyo Hadallo si wanaagsan wax uga sharaxaaya waayaha horumarka tacliinta ayaa saxaafadda ugu jirey,haddase inta kiiskan dagaalka ahi soo baxey taariikhda waxbarashadda somaliland hidde ahaan wuxuu ku reebayaa kuna dhigi doonaa sheeko maqalkeedu  dad badan si joogto ah ugu hadho.Inta kiiskan Dagaal ee Warbaahinta ku jira rabta ugu horreyn in ay wax ka qorraan waxa la gudboon in ay  aad isugu dayaan wixii run ah iyo wixii been ah ee sheekada ku jirta,kala ogaanshaha sheekooyinka beenta ah iyo sheekooyinka xaqiiqida jirta markani ayey ugu waxtar badan yihiin,waayo qorraal si xun loo dhigey dadweynaha macno uma yeellanaayo,sida darteed waa in qorraga iyo suxufigu intaba isku dayaa in uu sida ugu fiican u wariyo/qoro,marka laga eego dhinaca tilmaamista,sifeynta iyo humaagga uu dadka tusaaya intaba.Dhacdooyinka dagaal ee taariikhda horre sheekooyinkoodu dugsiyada yaallaan ardeydii waagaasi ogtaheyna  wey fara badan yihiin,taasi oo mar kale maanta dib noo xasuusisey habkii ay dagaaladu uga dhici jireen macallimiintii iyo maamuladii horre.

 

aragtidani waxa ay farta ku fiiqeysaa guud ahaan waxbarashadda somaliland,haddii aynu ifsano,iyada oo aan maskaxda ku heyno dhibaatooyinkii dagaal ee soo dhici jirey ee la xidhiidhey goobaha waxbarashadda waxa aan u arkaa in ay sababo dhawr ah oo kala duwan salka ku heyn jiren khilaafkooda, kuwaasi oo kala ah, is-afgrasho la,aan,cadaalad darro,qabyaalad,maamul xumo ,Waxbarashada oo ganacsi noqotey  dheef sida mushaharaadka iyo Kibirnimo intaba.

 

Dhibaato guud iyo Dhibaato Gaar ah

 

Dhibaato Guud

 

Inta somaliland ay gashey waxbarashadda casriga ah wixii 2000 kun ka danbeeyey,kiiskan oo kale waa ku qariib astaanta waxbarashadda dalka,wuxu taariikhda ragga ku reebayaa maqal badan,beritoolena wuxuu dhaxal siin karaa bahda waxbarashada jahawareer iyo dooddo badan oo la xidhiidha badqabka nabadgalyada goobaha waxbarashada mustaqbalka,wuxuuna bulsho badan u horseedi doona weydiimo ay ka mid yihiin “Maxaa ka khaldan maamulada waxbarashadda” iyo dadkeenu kasmo ma u leeyihiin Macallinkeena.Maamulka iyo Macallinkase maxaa isbeddel ku dhacey shalay iyo maantaba,Dalkuse ma heystaa Maamulo iyo macallimiin lagu soo hiran karo.”Qeybta horrre ee Maqaalkan waxa aan kaga hadli doonaa “Dhibaato Guud” oo aan u jeeddo Kiiskani Raadka taariikheed ee uu kaga tagi doono astaanta waxbarashada somaliland.

 

Intaan Wax baranaayey Dhawr jeer ayaan la kulmey kiisas dagaal oo dhex marey macallimiin,kuwaasi oo ku dhex dagaallamey isgoolka dhexdiisa,inkasta oo aan waayadaasi da,ahaan yaraa haddana tiraba laba kiis oo aan xasuusto ayaa jirey oo aanu buuqii dagaalka fasalka ka soo baxney,waan arkaayey laba macallin oo isku maran aadna isugu dhegan oo si khatar ah u dagalamaaya,beryo kale ayaan haddana isla dugsiga ku arkey Haddana laba macallin oo dagaalkoodu socdo,waayadaasi dareen badan noomey sameyneyn in aan aragno laba macallin oo isgoolka dhexdiisa ku dagaalamaya oo garaadkayaga ayaa iska yaraa haddase markaan kiiskan hadda hargeisa ka dhacey Maqley ayaan dib u xasuustey,kiisas dagaal aan badneyn oo raadkii taariikhda waxbarashadda (90naadkii) ku jirey.

 

Waxbarashada reer galbeedka iyo Mareykankaba kiisas dagaal oo badan ayaa si joogto ah looga sheega dhanka macallimiinta iyo maamulkaba,rabshado badan ayaa ardeyda iyo hagayaasha waxbarashadaba dhex mara,marar badan muuqaalo kamaradu(Camera) ay duubtey Fiidyowyo dagaal dhex maraaya macallimiin,ardey iyo maamulka ayey qabata oo dib loo daawada “teachers Fights in School”,ama “School Violance and Fights”.kiisas argagax leh ayaad kala kulmeysaa,in dugsiyadeenu aaney noqon goobo rabshado dagaal looga yaaco mustaqbalkana aan macallinkeena iyo maamulayasheenu aaney isaga warwerin nabadgalyadooda isgoolka iyo jaamacaddaba waxa igu noqdeen weydiimo igaga cuslaadey,kuwii kale ee la xidhiidhey xamaasada iyo in aan guda galo “Dhibaatada Gaarka ah”.

Bahda waxbarashada somaliland Ardey,Macallin iyo Maamulba kiiskani waa mid u ku reebay naxdin iyo xamaasad,waa mid waajib kaga dhigaaya in ay xamaasada iyo xifaaltanka meesha ka saaran oo ay u dhaqaaqaan xalintiisa iyo xal u helidiisa,waayo dhammaanteen waxa ina saaran illaalinta sumcada waxbarashada,in si guud looga hadlo oo tallo iyo waanaba laga bixiyaana waa waajib ina saaran,weli weydiimahan ayaa igaga culus kuwii kale ee la xidhiidhey xamaasada kiiskani,Dhammaanteen waxbarashada aan mustaqbalka ka badbaadino kiisas la nooc ah in ay ku soo noqdaan innaga oo dooddo iyo wacyigelin ka sameyneyna waxyaabaha sababi kara in arrimo noocan ahi ay goobaha waxbarashada ka dhacaan.in badbaada goobaha waxbarashadu ay khatar gashaa waa,in dad  isgoolada ka wada shaqeynayey ay mustaqbalka  suuqyada iyo masaajidada ku dagalamaan,xal nool arrimahaasi aan u helno oo halaga gaadho,faallada xamaasada leh aan ku beddelno dooddo iyo wacyigelin la xidhiidha sababaha arrimahani oo kale ay u dhici karaan.

 

waxa kale oo aan ku talin lahaa in mar haddii kiiskani yahay mid dhex marey Maamule dugsi iyo muwaadin goob waxbarasho ka hawl geli jirey in ay xalintiisa wax ka tidhaahdo soona dhex gasho wasaaradda waxbarashaddu.Dhibaato guud aan u dareeno Kiiskani, oo boog ku noqon doona Waxbarashadda dalka,dhammaanteen aan gacmaha isku qabsano in kiiskaasi doodiisa xal waara laga gaadho.

waa inoo Qeybta labaad “Dhibaatada Gaarka ah”.

 

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.co

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker