Madaxweynaha Hirshabelle Oo Loo Doortau Cali Guudlaawe

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa Goordhow Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ku doortay Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Doorashada xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Maamulkaas.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle u doortay inuu noqdo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo helay Codad gaaraya ilaa iyo 86 Cod.

Sidoo kale Musharax Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan oo la tartamay Cali Guudlaawe ayaa isna helay Codad gaaraya 13 Cod, isagoona sidaas looga guuleystay Cabdiraxmaan Jimcaale.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Muxumed ayaa ku dhawaaqay natiijada Doorashada Madaxweynaha, wuxuuna ku dhawaaqay in Cali Guudlaawe uu noqday Madaxweynaha Cusub ee hoggaamin doona Hirshabeelle.

Dhinaca kale waxaa daqiiqado kadib bilaaban doonta Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka oo ay ku tartamayaan Musharaxiinta kala ah Maxamed Maxamuud Cabdule iyo Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker