SHARKII CEELAFWEYN OO INUU FAKADO DAMCAY KA DIBNA DHEGTA DHIIGGA LOO DARAY.
Dhibaatada Ceelafweyn waxa hoggaaminayay Iblays waxaana ciidan u ahaa dad insi ah oo Ilaahay uun yaqaan laakiin aynaan si cad oo hubaal ah u garankarin. Guulaha soo baxay ee in Ilaahay loogu mahadnaqo mudan waxa ka mid ah:
1. Hoggaamiyihii shar-wadeenka ee Iblays oo fashilmay kana baxsaday Ceelafwayn iyo deegaankaas.
2. IBLAYS oo Ceeryaan miciin biday ka dibna lagu sadqeeyay.
3. Askartiisii oo wax dhegta dhiigga loo daray iyo wax dhulka ka baxsaday noqday.
4. Ummaddii oo khayrkii ku baraarugtay kuna dhiiratay wanaaggii.
5. Khaladkii oo cid qarisa waayay iyo meel uu ku dhuunto. Oo cid weliba tidhi “hana sheegan.”
6. Samirkii oo cid garata oo guushiisa qaadata helay.
7. Walaalnimadii iyo wadajirkii ummadda oo soo carfaysa.
Waa guul iyo gallad Ilaahay keenaye ha lagu mahadnaqo.
Qoraa: maxamed-keyse