Ururka Suxufiyiimta Somaliland SOLJA Oo War-saxaafadeed Kasoo saaray Weriye Ceerigaabo Kuxidhan

Guddoomiyaha Ururuja Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) Ayaa maanta wuxu War-saxaafaddeed Kasoo saaray Xadhigga Weriye muddo toddobaad kusiman kuxidhan magaalada Ceerigaabo.  Waxana Warsaxaafadeedkaas oo Nuqul kamid ahi soo gaadhey Shebekeddan Oodweynenews uu u dhignaa sidan

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland, gaar ahaan maamulka Gobolka Sanaag inay xorriyadiisa u celiyaan Wariye Jaabir Siciid Ducaale oo Telefishanka Horyaal Ugasoo warrama magaalada Ceerigaabo Kaasoo ay ciidanka Booliisku xidheen, iyagoo ku eedaynaya inuu wax ka duubay dad shicib ah oo ka soo horjeeday wadahadalada shirka Jabuuti.

Ururka SOLJA, waxa uu u arkaa xadhiga Wariyahaas inaan sharci loo marin isla markaanna muddo toddoba cisho ah aan maxkamad la horgayn, markii la horkeenayna maanta loo jaray toddoba cisho oo rumaan ah.

Wariye Jaabir wax shaqo ah kumuu lahayn duubista Warkaasi sida uu xaqiijiyay Wakiilka SOLJA ee gobolka Sanaag, sidoo kale-na dadkii hadalka laga duubay qaarkood waxay xeer-ilaalinta iyo boliiskaba horteeda kasheegeen inaanu weriyahaasi waxba ka duubin, isla markaanna lagama sii dayn aragtida ay dadweynahaasi ka qabaan warbaahinta Somaliland ee uu ka hawl-galo.

Dacwadaha ka dhanka ah saxaafadda Somaliland waxay mar walba dhacaan marka ay jiraan xaaladdo siyaasadeed ama horumarineed, kuwaas oo ay dadku aragtiyo kala duwan ka dhiibtaan, iyadoo la helo kuwo taageersan iyo kuwo ka soo horjeedaba.

Sidaas daraadeed, Ururka SOLJA, waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa wariyayaasha ka warama xaaladdaha kala duwan ee dalka gudahiisa iyo dibediisa ka dhaca in loo raaco cida ka fal celisa oo kaliya, maadaama gacanta lagu hayo.

Dhinaca kale, Ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa wariyayaasha kala duwan ee ka hawl gala warbaahinta Somaliland inay ka fogaadaan wax kasta oo u horseedi kara inay danbi ku mutaysan karaan, maadaama xaaladdaha qaarkood dhib badanni ka soo gaadhi karo, isla markaannna ay qiimeeyaan inta war sugan laga helayo.

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker