Doorka Sheekh Shariif ee nabadgelya-darrada Soomaaliya? By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)
Qaybta koowaad.
Tan iyo dharaartii shafka dhulka loogu dhuftay xukuumaddi Kacaanka ee Maxammed Siyaad (AHN) hogaanka u ahaa, waxa Soomaaliya la hadhay dagaallo isbed-beddelayey oo u jeedooyin kala duwan lahaa. Hadafka keliya ee kooxaha dagaallamayey ay ka sinnaayeen wuxuu ahaa in koox waliba rabtay inay talada dalka “iyadu” gacanta ku qabato. Dagaalladaasi waxay ku bilaabmeen qaab jabhado qabiil ah. Waxa weheliyey in dhanka Koonfurta 1991kii ay ururkii Itixaadku mar dagaal ka rideen dhanka Koonfurta (Kismaayo) hase yeeshee dagaalkaasi waa lagu jebiyey mana tis qaadin. Haddana 1992 ayaa Itixaadkii u wareegeen dhanka Puntland iyana ma tis qaadin oo waa lugu jebiyey dagaalkaas. Haddana 1997 waxa Itixaadkii dagaal ka galeen dhanka gobolka Gedo, dagaalkaasna waa lagu jebiyey. Wixii ka danbeeyey 1997 urur diimeedkii Itixaad iyo taageerayaashoodii way daciifeen, waxayna dib ugu noqdeen koox waliba degaammadoodii.
Haddaba muddadaas oo dhan waxa isagu socday dagaalkii qabqablayaasha, dagaalkaas oo meelo kala geddisan ka socday gaar ahaan koonfurta Soomaaliya. Dagaallada qabqablayaasha iyo ismuquuninta qabiilooyinku wuxuu kaga duwaanaa ama ilaa iyo haddaba kaga duwan yahay kan urur diimeedka waa dagaal talada lagu dagaallamayo iyo hadafka loo dagaallamyoba ay hagayaan qabqablayaal Soomaaliyeed iyo damac qabiil, meeshay doonaan iyo siday doonaan taageero ha u heleene. Dagaalkan qabiilka iyo qabqablaha waa laga heshiin karaa waayo taladu waxay inta badan ka go’daa kooxaha dagaallamaya. Dagaalka diintuse waa mid weji kale leh oo taladiisu meelo shishe laga hagayo, hadafkiisuna dhaafsiisan yahay in muquunin dhexdeenna ah.
Xukuumaddii Carta lagu soo yagleelay 1999/2000, markay Xamar soo gaadhay dadka badidoodu way soo dhoweeyeen, mana jirin wax urur diimeed ah oo ka hor yimid. Kooxo ka hor yimid waa jireen, laakiin waxay kaga hor yimaaddeen waxay u badnayd dan qabiil mid degaan iyo damac shakhsiyadeed. Hase yeeshee waxay talo faro ka haaddey, markii dabayaaqadii 2004-tii Nairobi lagu soo dhisay xukuumaddii uu gadhwadeenka ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf (AHN).
Dabayaaqadii 2005 iyo bilowgii 2006 waxa mar qudha soo shaac baxay ururadii diinta sumadda ka dhiganayey oo ku dhowaad 10 sano laga nastay, markan iyagoo wata magaca ururka Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah. Ururkani waxay ka hor tageen in xukuumaddii ku meelgaadhka ahayd ay Xamar soo degto, iyagoo u arkayey haddii Cabdullaahi Yuusuf oo hore Itixaadka Gobolka Bari ugu soo jebiyey uu Xamar soo galo inaanay fursad danbe helayn. Maxaakiimtaa waxa hoggaaminayey Sheekh Shariif Sh Axmed oo mar qudha magiciisu isaga baxay dhegaha Soomaalida iyo caalamkaba. Waxa xusid mudan in waqtigaa dad xukuumadda ka socday oo wasiirro iyo xildhibaanno lihi ay Xamar u joogeen waan-waan ah si ay dadka Xamar deggan ugu qanciyaan inay dawladda Caasimadda ku soo dhoweeyeen. Bishii June 2006 ayay Maxaakiimtaasi Xamar la wareegeen iyagoo sida hillaaca u jiidhay hoggaamiye kooxeedyo Xamar u kala qoqobnayad.
Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa si kal iyo laab ah u soo dhoweeyey iyadoo loo aanayn karo 3 qodob.
1) Diin jacayl ku tallaalan dadka Soomaaliyeed oo u arkayey in culumo “SOOMAALIYEED” ay xukunkii hantiday taasoo rajo cusub abuurtay
2) Qabqablayaasha Xamar oo dadku khaatiyaan ka taagnaa oo naceen.
3) Hoggaanka Cabdullaahi Yuusuf oo dad badan oo Xamar degganaa qabiil uga soo horjeedeen sidaa daraadeed ay door bidayeen “igaarkooda” soo baxay ee Xamar qabsaday.
Intaa dabadeed maxaa dhacay? Waxa dhacay in Maxaakiimtii yidhaahdaan dalkoo dhan waan qabsanaynaa, dawladda Cabdullaahi Yuusufna ma aqoonsanin waa dawlad riddo, sidaa daraaddeed waa in lagu jihaadaa oo dalka laga qabtaa! Waa tii maxaakiimtu dagaalka ku qaadeen inta u dhexeeysa Galgaduud ilaa Bay. Xukuumaddii Cabdullaahi oo Itoobiyaan wadataana waa tii ilaa Xamar gudaha u soo gashay. Su’aalo badan ayaa ka dhalanaya taariikhdaa iyo wixii ka danbeeyey, waxa hadda taagan iyo doorka Shariif ku lahaa.
Waa inoo qaybta labaad, la soco dhowaan