Xildhibaan Australian Ah Oo Beed Madaxa Lagaga Jabiyey kadib markii Aflagaado usoo jeediyey Muslimiinta

Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka dalka Australia Senator Fraser Anning ayaa si jees jees ah uga hadlay weerarkii shalay ka dhacay dalka New Zealand ee lagu laayey dad Muslimiin ah oo gaadhaya 49 qof, halka 48 kalena lagu dhaawacay.

Senator Fraser Anning oo shir jaraa’id qabtay ayaa ku eedeeyey muslimiinta iney dembiyo iyo weeraro argagaxiso ka geystaan meelaha ay soo galootiga ku yihiin.

Balse xildhibaankan ayaa intii uu ku guda jiray shirkiisa jaraa’id waxaa qabsaday arin lama filaan ah ka dib markii wiil yar oo 14 jir ah oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa goobta uu madaxa kaga jebiyey beed.

Halkan hoose ka daawo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker