Shil Gaadhi oo ka dhacay Biriijka Kala jab ayaa sababay Dhimasho Laba qof ah.

Alle haw naxariisto oo janadda ha geeyo Labadaas marxuun.
Booyad Shidaal u siday Ceerigaabo ayaa ku dhacday Biriijka Kala jab ka dib markii ay ka dhacday Biriijka.
Shilalka Gaadiidka ayaa inta badan waxa sabab u noqda waddooyinka ay marayaan oo dhaawac ama Burbur ku dhaco,  dayac ka yimaada darawalka iyo isdhaafka degdega ah ee inta badan ay sammeeyaan darawaliintu, Ku hadalka telefoonka, Cabista iyo cunista kala duwan, sidaa awgeed  dawladda Waxaan ugu baaqayaa in shilalka gaadiidka ka hor la sammeeyo oo lala kaashado ciidamadda Waddooyinka si loo hubiyo Darawaliintu innay buuxiyeen sifihii darawalnimo. Sidoo kale in la sammeeyo Hay’ad gaar ah oo ka shaqaysa wacyi galinta shilalka gaadiidka iyo ka hortagooda.
Shilalka gaadiidku Maalinkasta waxay sababaan dhimasho, dhaawac, iyo burbur maaliyadeed oo badan.
Warbaahinta uu ka mid yahay Khaalid Foodhaadhi oo hore wax uga diyaariyay waxaan ka codsan lahaa inuu sanadkasta bilkasta uu warbixino dhammaystiran ka sammeeyo kuwaasoo xalkooda wata.
Haddii aad gaadhi waddatid ka taxadir shilalka Gaadiidka ee sida joogtadda ah u dhaca Allena waxaan ka baryaynaa inuu innaga nabad geliyo dhibka gaadiidka.
Rakad Mxd Sultan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker