Dad Badan Oo Ku Dhintay Roobab Mahiigaan ah oo ka Da,ay Qaybo ka mida Dalka Ethiopia.(Sawiro)

Ugu yaraan 22 qof ayaa dhintay kadib markii ay dhoobo ku habsatay guryahooda, kadib roobab xoogan oo saacado xidhiidh ah ka da’ayay degmada Konta, ee Dawro Zone ee Dalka Ethiopia  sida ay sheegen dadka degaanka oo Gacmahooda kusoo  saaray maydadka Qaar ka mida kuwa Ay Guryahoodu ku dumeen.

 

Saddex iyo toban ka mid ah dhibanayaashu waa haween, waxana ku jira dadka dhintay sarkaal boolis ah iyo xaaskiisii, sida ay warbaahinta maxaliga ahi sheegtay.

Saraakiisha maxalliga ah ayaa dhinacooda sheegay inay ka cabsi qabaan qasaare intan ka badan hadii ay roobabku sii socdaan, waxana ay gurmad waydiisteen dawlada dhexe.

Bishii la soo dhaafay, toddobo qof ayaa ku dhintey degaankan markii ay roobab culusi ka da’een, kuwaas oo Shan ka mid ah ay ahaayeen isku qoys.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker