Warqad furan oo ku socota Madaxweynaa Somaliland muuse Biixi Cabdi
Ugu Horayn Anigoo ah Mohamed Ahmed Warsame .
oo aan ka mid ahayn asxaabta Dalka , muxaafad iyo mucaarad Toona ,
Cidna aan metelayn oo aan afkooda ku hadlayn.
kuna hadlaaya fikradiisa shakksinimo iyo Aragtidiisa gaar ka ah .
Ugu horayn mudane Madaxweyne waxaad Tahay madaxweynii 5aad ee somaliland yeelato, sidoo kalena waxaad tahay madaxweynii 3aad ee shacabka somaliland doortaan.
muddane doorashada shacabku ku daartay maahayn mid aad ku khasabtay Ama awood ciidan ‘dhaqaale iyo sandulay kugumay dooran ee iyagaa doonitooda kugu doortay iyadoo weliba dadkaa aqoonbadan, waayo aragsan , Hogaamintana kaaga wanaagsan jiraan bay hadana shacabku adiga kuu garteen inaad kursiga ku fadhiisato oo dalka Hogaamiso , iyagoo kugu Tuhmaaya inaad leedahay Hogaamin suuban iyo Daacadnimo aad dalka kaga saari kartid marxaladii Adkayd ee isla xisbiģiinu dhaliyey ee dalka ka taagnayd.
mudane wixii shacabka 0.5milyan ee reer somaaliland ahi ay safafka dhaadheer iyo safardii dhibtahaa , Qoraxda kulul u socdeen oo kuugu codaynayeen iyagoo 90% aan aqoon shakhsinimo iyo mid Gaar ah toona kuulahayn waxay ahaýd u hogaansamida shuruucda dalka iyo Helista xukuumad u adeegta shacabka Danyarta ah.
mudane waxaan ku xasuusinayaa in shacabka somaliland 75% ay dhalinyihiin, Sidookalena 75 kaas 45% ka mid ah ayihiin Dhalinyaro heerkooda aqoontu u dhaxeeyo dugsi sare illaa Heerarka kala duwan ee Jaamavadaa ,
welibana bilaa camal ku ah dalka dhexdiisa.
Mudane waxaa kaa hortaagan iyagoo awooda , kartideedana leh in ay madaxtooyada kuugu soodaataan waa sharciga dalka iyo kala danbaynta.
Mudane madaxweyn mudadaad xilka haysay waxaa isa soo taraysay qaylo dhaanka imanaysa ku tumashada sharciga iyo iyadoon loo aabo yeeĺayn xaquuqdii muwaadin Nimo ee aas aasiga ahayd .
Mudane waxaan Farta kuugu fiiqaynaa Dadka ka tirsan maamulkaaga ee fidmada hurda kicinaaya adna aad daacada uhaysato inaad bulshada ka qabàto ,
xikmad soomaliyeed baa waxay tidhaahdaa( Baadida Ninbaa kula daydaya Daalna kaa badane oo Aan dooni ahayn inaad heshaa daayin abidkaaye).
Muddane waxaan ku xasuunayaa in 3.5 milyan reer somaliland aanay shakhsinimadaad iyo aqoonta gaarka ah ee ay kuuleeyihiin aanay kugu ixraamayn laakiin sharciģa aykugu xushmaynayaan oo aad madaxwèyne ku Tahay. waxaadna xasuusnataa waqtigan in aan cilmi milateri iyo awood keligii
Talis aanay ka shaqayn Aduunka .
soomaliduna waxay ka mid yihiin dadkii ugu horayey ee ka baxay gacanta keligii Taliska..
mudane waxaad isweydiisaa Farqiga udhaxeeya maalinkii doolaal Moqdisho ku qarinaayey ee kula baxsanaayey ee gurigaa ciidanka baadhaayey iyadoo aanad wax denbi ah gelin iyo waqtigan 2020 oo Hooooyin bilaa denbi ah 2 habeenimo Hargaysa dhexdeeda ciidanku usoo daadanayan oo ka sasinayaan.
xukuumadii kaa horeeryey waxaa lagu xaman jiray saami qaybsi laakiin mudane madaxweyne xukuumadaada waxaa lagu xamanayaa , ku tumasha sharciga iyo ģeligiis Talis.
mudane madaxweyne shacbka somaliland kaama sugayaan inaad la garnaqsato ee waxaan kaa sugayaan inaad ku hogaamiso cilmi iyo caqli saliim ah , Talo qaadasho iyo Talo urursi.
Gebo gebo
ugu danbayn mudana madaxweyne waxa ina deeqa ee ina kala ilaalin karaa waa ku dhaqanka sharciga iyo ilaalintiisa .
Madaxweyne shacabka soomaliland adigay ku doorteen ee may dooran dadka daaha dabadiisa fadhiya iyo afka xoogla yaasha shaashadaa ka muuqda .
Ugu danbayn madaxweyne waxaan kuu soo jeedinayaa .
a) sharcigu hakaa horeeyo hana kaa sareeyo markastana daba soco oo haka dheerayn.
b) Ciidamadu hakaa danbeeyaan ee ýanay kaa Horayn.
c) Talo urursiga iyo shuuraduna wehelkaaga Ha Ahaato.
D) shaadh kaaga yaanlagula gashan oo dad gaar ahina ayaanay ki adeegan
E) Marnaba Hala Garnaqsan shacabka
F) Naftaada u aqoonso inaad tahay ururiye iyo hogaamiye umadeed .
g) Talada shacabku kuu dhiibtay hadaanad qaadi karayn usoo celi.
H) sharcigu bahda garsoorka gacantooda yaanu ka bixin.
I) Ishayntaada shakhsi Nimo iyo masuuliyaada madaxweyn yaanay iskaga kaa khaldamin .
By Suldaan Maslax Axmed