AMLAAK KUMA LAHAAN JIRIN BERBERA W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

Xaaji aadan axmed afqalooc markii uu berbera kasoo degay wuxu arkay in Hindi iyo carab badani wadankii joogto soomalidiina ay ku shaqaysanayso isagoo arinkaas aad uga xumaaday. Xaajigu dhacdadaas aad ayuu uga xanuunsaday wuxu u arkayey in wadankii la dhaxal wareejiyey oo umado kale dheeftiisa kiishash ka buuxsato halka soomaliduna shaqaale ka yihiin dukaanada hindida iyo carabta ee berbera ku yiiley. Alle ha u naxariistee wuxu halkaas ka tiriyey gabaygii ugu horeeyey markii uu dalka kusoo noqday, xaaji wuxu markiiba isugu yeedhay dadkii soomaliyeed isagoo ku shiriyey xeebta batalaale ee berbera waxaanu u sheegay in gumaysigu sadex dhardhaar ku taagan yahay ka ugu horeeyana uu yahay ganacsiga isagoo markaas kula taliyey inay somalidu gar u leedahay magaalada iyo ganacsigeedaba.

Ararta gabayga ayuu Xaaajigu wuxu inoogu sheegayaa in somalidu idil ahaanteed aanay wax hantiya ku lahayn berbera, dad shaqaale ah mooyee, carabtii magaalada dhoobnayd iyo hindidii ganacsiyada ku lahaa ayuu sidoo kale ina xasuusinayaa, wuxu abwaanku alle ha u naxariistee soo ban bixinayaa dhibkii ay somalidii carabta iyo hindida u shaqayn jirtey ay ku qabtay iyo siday adeega ugu diran jireen, sidaa si lamid ah wuxu abwaanku banka keenayaa sidii reer miyigii berbera u soo safri jirey ee xoolaha keeni jirey loogu tacadiyi jirey ee marka ay xoolaha keenaan dukaanada ay wax ka iibsanayaan loogu dhibi jirey iyo sidii ay u necbaayeen carabta iyo hindidu weydiimaha dadka reer miyiga ah, wuxu si dhaba inoo xasuusinayaa ajanabigii dalka joogay inay ahaayeen kuwii aduunka soomali dhacay, abwaanku waxay soomalidu ula ekaatay inay yihiin umad ehlu qubuur ah oo waa hore xabaalaha lagu daray hadal iyo waxqabsina aan sinaba looga sugayn, meerisyada xiga abwaanku muu iloobin inu ina xasuusiyo lacagtii ay ururin jireen ee ay dalka dibidiisa u diran jireen si ay ugu horumariyaan dhulkii ay ka yimaadeen waxa kamid ah ereyo badan oo af hindi ah oo abwaanku isticmaalay una adeegsaday qaar kamid ah meerisyada soo socda wuxu yidhi:

Amlaak kuma lahaan jirin berbera idilka soomaale
Nin abaane mooye mushtare lama aqoonayne
Afariyo shan carrabaa makaan aada ku lahaaye
Ardal baaniyaaliyo hindibaa ubuxu saarnaaye
Iyagaa asaastaye nin kale kuma ilwaadnayn
Adeegay idiin diran jireen aqal aad fiiqdaane
Idinkoo afmeerkiyo ka yimid idhanka gaaroodi
Oo soo araday oo berbera adhiyo geel keenay
Ahminkaaga goortaad gadato oo imato daaskooda
Hadaad tidhaa astaartiyo maryaha iibku wuxu joogo
Afku dhabasho mooyee su’aal ma ogolaanayne.
Sida eydiyo dacawaday idin eryaayeene
Areer maadiyo agjoog af xumaa ku ogolaydeene
Ihaaniyo quudh baad qabteen edebtu diidaaye
Nimankii aduunkiina dhacay idilji qoomkiisa
Iyo carabta reer shexera ee adhaxda gaagaaban
Itifaaqyada sabankaa hurdada ku ibtiloowdeene
Wax akhbaarta layskugu dirayey ooy ila ekootay
Inaad ehlul qubuuriyo tihiin aadmi maytiyo’e
Ixsaan kama falayn xoolahay ururinaayeene
Ragii dahabka alakoodin jiray eega waa foqore
In yar baa hadhee laga kexee aradkii soomaale
Ilmaadeeradiin baa ku jira aqaladoodiiye
Laga iibsay daaraha waxay ku ismanaayeene
Aswaaqdii majuusigu fadhiyey eydii laga saarye
Laga eri arwaaxdii jiniyo ubadkii shaydaane
May aqoonin diintee jinbay ku aabudayeene
Ashahaaday guriguu fadhiyey inankii raamraame
Nimankii dabada ka aradnaa eel kusoo noqoye
Amdaashiyo awliyada iyo ehel karaamaadka
Abal qaasim rasuulkii amrane ee u ifa kawkoo dhan
Nabiguu ku aaminay sharciga qaadirka abuuray
Awqaada khayrkiyo bilaha laysku soo ururo
Halkii sanamkii oolaayey baa lagu adeecaaye
Iqbaaliyo nasraa idiin kacayoo aayadii rogaye
Abkastaba ha noqdee waa tujaar inamadiiniiye
Aduunkay heleen kalama tegin aradka soomaale
Ma inkirin ixsaankee sakaday aad u bixiyeene
Agoontiyo faqiirkaba way wada ikraameene
Ilaah baydkiiyabay dhiseen waqaf islaameede.

Xaaji aadan axmed afqalooc alle ha u naxariistee wuxu gabayga ku soo gabogabaynayaa wanaaga iyo waxtarka dhexdeeda ay samayn jireen ganacsatada somaliyeed ee dibadaha ganacsiyada ka samaysatay wanaagaa oo ay kamid ahaayeen caawinta ehelka iyo qaraabada, xididka iyo xigaalka kuwaas oo gacmo furan ay kusoo dhaweyn jireen waxtar badana kala noqon jirey, abwaanku wuxu xusayaa sheegayaa qiimaha walaalnimada umada soomaliyeed, sidoo kale ablacaynta carabta iyo hindida ay umada somaliyeed ku hayeen, xaajigu wuxu qayb kamid ah gunaanadka inoogu soo tebinayaa waayo- aragnimo xeel dheer oo uu aduunka u leeyahay isagoo mudo 50 sano ka badan dunida ka soo shaqeeyey markaana dadka u iftiiminaya aqoonta ka qarsoon iyo shirqoolada joogtada ah ee ay gumaystayaashu dalka ku hayaan, wuxu abwaanku saluugsan yahay qayb kamid ah hab-dhaqanka soomalida isagoo ku shabahay inay bisadaha dhaqan iyo akhlaaq wadaagaan, gabogabada meerisyada wuxu isu arkaa nin in badan hadlayey oo cidi ka hoos qaadi weyday hadalkii murtida lahaa markaas ayuu leeyahay aamuska ayaa fiican mar hadiiba aan lays maqlayn waxaanu yidhi:

Umuurtii qabiil iyo ninkii oday usoo sheegta
Awoowiyo walaal iyo xigiyo waalid la adeeco
Amarkaba macruuf bari ahaa ama abaal raagay
Abtiyo qaraabiyo xasabo loogu imanaayo
Ninba wuxu aliifaba haduu guriga soo aado
Marku ololka gaajada baashiyo oonkiyo diifta
Anfaciyo wuxu kala tagaa awr uu buuxsadaye
Ikhwa iyo shuraakaynu nahay duul walaalo ahe
Afartaa hindiyiyo carabtu waydin ablacaayaane
Ahaln iyo tarxiib xeeladaad ku istareexdaane
Waxa uurka laydiin fahmaa waa adoonimo’e
Abeesada dusheedaa xariir amiyo moodaaye
Ilkahaa balaayada qabay kugu asiibtaaye
Abkay nimaan ahayniyo qariib hay amaanino’e
Arbaciin sanaan meerayey waan ogsoonahaye
Adin haduu kudkude kaa cuno ooftiyo lawga
Awalkiisa waad sahashataa aayar xoqotaaye
Ayaamaha dambaad dhacdaan aramidiisiiye
Awbaashta nimankaa ahoo aradka boobaaya
Iclo iyo kinaayaba u idhi inaad ogaataane
Hadayse laabtu idin awdan tahay hadalku waa uufe
Arwaax maqan jisaad khaliya baan u adimayaaye
Aragaha darbeelaan dariiq u ifinaayaaye
Dab baase olola xaabada hadiise loo agaasimo’e
Hadii aad afuuf tidhi ramaad waa umuur culuse
Bisadahaad akhlaaqdiyo dabciga uga ekaateene
Iyagaa isku itaala oo awkariyo meele
Hadaanayse odhaahdu faaido tarin aamuskaa wacane
Amaano alle meel ebera baan oohow ka hayaaye.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker