Hanjabaad Xildhibaan Oo Kala Dishay Kenya iyo Tanzania + Xidhiidhka Oo Sii Xumaanaya
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka wadanka kenya, kana soo baxay xisbiga taladda haya ayay afkiisa ka soo yeedhay hadal dad badan ka wada cadhaysiiyay, loona turjuntay in uu yahay cunsurinimo.
Charles Kanyi oo meel fagaare ah kala hadlayay taageereyaal isugu soo baxay ayaa ku eedeeyay ganacsatada dalalka Uganda iyo Tanzania in ay la wareegeen guud ahaanba ganacsigii.
Ciidamadda booliska ee wadanka kenya ayaa xasbiga u taxaabay, waxaanay waydiinayaan su’aalo la xidhiidha falalka cunsurinimo ee uu ku dhaqaaqay.
Garsoorka kiiska xildhibaankan gacanta ku haya ayaa amar ku bixiyay in habeenkii labaad uu xabsiga ku sii jiro inta kiisa la baadhayo.