Hal-Abuur Qoraa xamse Riiraash Iyo Maanso Kooban Taariikhda Rasuulka Scw
Ramadaan mubarak waa maanso yar oo kooban oo rasuulka scw ka sheekaynasa scw.
Rasuulkii ilaahoow
Astaantii aduunkoow
dunidan idilkeed
Ileyskeeda daaroow
ayaantaad ย dhalateey
Amintii ku beegnayd
Asxaabtii muroodigee
ehlufiil la odhanjiree
ilaahayna halligee
kusoo direy abaabiin
iyo axjaartii naarta.
Dabadeed aroortaa
Xiddigahaa is daaroo
ibliis iyo xertiisaa
Onkod luguba laayoo
Umadanu bushaariyo
Abshirbay dhahaysay.
adigoo ku sugan
agoonimo yatiimay
Ayay dhimatay aaminoo
iilkiina la dhigay.
Al sacdiyaa ku qaadoo
Ku ababisay rasuuloow,
aqalkeed wacnaydna,
Iyadaa ku gaysoo
Agteedaad ku noollayd..
aaagagaa makaadbaad
aqnaam aadku raacdoo
waa u dhabar adaygtay.
Dabadeed ilaa iyo
ardushaam dhulkeedaad
aadayna nabiyoow
ganacsadaad ahaydoo
Amaanada ilaasha.
Aroosbaad gallaysay
Khadiijaad aroostoo,
Umul mumiiniintii
iyadoo aduunka
Dhex dagan iyadu
Soo salaamay eebbe.
godkii uduga weynaa
adigoo dhex jooga
Ayuu mallagu kuu yimi
iqra akhri ku yidhi
aayadan ilaahiyo
Asmaayada dhamaantii
adiguna qiraada
iyo si waxloo qoro
Midna maad aqoonoo
Wax ku baray eebbe.
Aayadii ilaahiyo
Markaad fahantay aayar
ahekii qureyshta
Ula laabanaysay
Sow iyaguna sidoodii
Kaamay madax adaygin?
Samirkii aadkaayee
Ilaahay ku siiyay
Kagamaad gudbayn idil.
Arladii dhanaantii
Diintii u faaftee
Nabadgaliyo adiguna
Ha ahaato korkaaga.
Scw
Hamse riiraash