Haweenka Iyo Macallinimada
“Waad is weydiin kartaa sidee ayey suurtagal ku tahay in gabadh Marwo ah oo hooyo ahi ay isku dhex wadi karto Hawsha guriga iyo Shaqada Macallinimada oo adag”
Hablo badan oo ka dhashey qoys danyar ah amma maalqabeen ah ayaa Ayaa sannad kasta la soo qoraa isgoolada,intaasi inleeg ayaa siddo kale sannad kasta ka baxda,Waxa ay ku biirayaan Dugsiyada gaarka ah,kuwa dawladda iyo macaahida islaamiga ah intaba,Hablahaasi waa kuwo si fiican waayo-aragnimo iyo aragti ballaadhan uga heysta dugsiga iyo wax kasta oo ay ku soo dhex arkeen,Habllaheenu isgoolka iyaga ayaa ugu jeclaa waayoย ย dhaxalka ay iskuulka kala tagaan waxa saldhig u ahaa xanaaneyn dhanka maamulka iyo macallinkaba ah,qofnimo wanaagsan,bulshanimo, raggii ay wax wada dhigan jireen qadarin ayey ka heli jireen,Dugsigu wuxuu habllaheena barey quruxda deegaanka,quruxda abuurta illaahey,sida wanaagsan ee wax loo qiimeeyo,shucuurta wanaagsan,qoysnimada,ilbaxnimadda iyo macallinimadda intaba.
Ardey badan oo hablo ah oo aqoonta meel sare ka gaadhey dalka sannadihii ugu danbeeyey ayaa jira,sidoo kale waxa jira kooxo haween ah oo waayadii dawladii horre wax bartey oo tan iyo intaasi macallinimo ku soo shaqeyn jirey,waayo ma jiro derbi is hortaagaya nolosha ay inantu rabto in ay gaadho,waaney noqon kartaa macallimad,si ay mar kale bulshadeeda horumar iyo barwaaqo u gaadhsiiso.in ka badan 30 sanno haween barayaal ahaa oo bulshadooda wax u dhigaayey ayaa jira,kana doorbidey shaqooyinkii kale oo dhan macallinimadaasi.haweenku haddi ay dhalleen Waalliidna u yihiinย madaxweynayaal iyo geesiyaal,haddii ay dhalleen Aabbayaashi Waxbarashadda,dunida soo marey,wey soo saari karaan sidoo kale ardey iyo aqoonyahan ay soo dhiseen soona qabeeyeen iyaga oo macallimiin isgool ah.
Maanta Dugsiyada iyo Jaamacaddahaba waxa ugu sarreeya Hablo lagu maamuuso derajada “Honour”.Sannad dugsiyeed walbana waxa jira hablo badan oo kaalmaha ugu horreeya ku soo baxa waxbarashada somaliland,Habllahaasi badan ee soo baxa sannad kasta in badan oo ka mid a ayaa macallimiin noqda,marka ay waxbarashada dhameystaan dugsiyada iyo jaamacaddahana ka baxaan,kuwaasi oo u leexda dhanka macallinimada,habllahaasi waxa ay dibadda uga baxaan dugsiyadoodii iyaga marka horreย ย qalbiga ku heysta xushmadii iyo qadarintii macallinka iyo maamulka,waxaaneyย ย dugsiga ka tagaan iyaga oo raba in ay indhahooda ku soo arkaan quruxda iyo waxtarka ku jirta tacliin in la yeesho taasi oo aan suurtagal u aheyn wakhtigii fasalka,waxaaney mar kale isla dugsigii ku soo noqdaan iyaga oo kalkaaliyaal bare ah, amma macallimiin si ay u xaqiijiyiin una ogaadaan qiimaha waxbarashada wanaagsan.
Maanta waxaan ahey macallimad dhigta afka ingiriisiga siddaasi waxa tidhi hal macallimad aan qeybta dambena idinkula soo wadaagi doonno,iyada oo si maskax furnaan iyo niyadsami ah inoogu warami doonta, waayo inta badan haweenku maddooyinka xisaabta,sayniska,luqadaha ayey aad u dhiggaan.
La soco Qeybta Dambe…………………………………
Abdifatah M.Ahmed
Ceelaabe_10@hotmail.com
ย