Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraash Iyo Maanso Bishu Waa Ramadaan

Waa maanso gaaban oo ka hadlaysa khayrka bisha ramadaan,dhugasho wacan ramadaan mubarak.
Bishan aynu joogno imika,
Ku dhex jirno arrimaheega,
Wanaaga iyo ixsaanadeeda,
Haddaad eegtood u fiirsato,
Waxay leedahay astaamo
U gaara ilaah raxmaanka.
Fadli iyo wax aadoo
Sarreysoo in la gaadhayn
U dhiganta arladeeniyo
Intay jirto samadaasi
Ayaan weeyi ducaad
Aqbal iyo ijaaba weeyi
Quluubta gashoo astaysa
Abuurta qushuuc badnaatay
Salaada shanta ah ilaali
U kaca laylkaa habbeenkii
Akhriya qur”aanka laftiisa
Koroonaha aduunka waallay
Ka ducaysta dhibtiis idilkii
Iimaan koriyoona xooja.
Hamse Riiraash

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker