CIIDANKA DAB DAMISKA.

Ciidanka dab damiska Soomaalilaan waxa ay hayaan shaqooyin adag oo ay hadh iyo habeen halgan ugu jiraan gudashadooda. Ciidankani dab qudha ma damiyaan, balse waxa ay qabtaan shaqooyin badan oo isku-raran ah. Ciidankan ujeeddada loo aas’aasay ee loogu magacaabay “Ciidanka Dab damiska” waxa ay ahayd in ay damiyaan dababka ka kaca goobaha kala gaddisan ee magaalada iyo meelaha kale ee gubta, hkasa’ahaatee inta ay shaqadoodii guteen oo ay ka soo dhalaaleen ayay waliba hawlo kale oo dheeraad ah qabtaan goor walba.
Ciidankan dab damiska oo aan odhan karo dab uun ma damiyaanee waa ‘naftooda-hurayaal’ si hufan ugu adeegaya dadkooda iyo dalkooda. Ciidanka dab damisku hawlaha ay fuliyaan waxa ka mid ah: 1. U gurmashada goobaha gubta, 2. Soo badbaadinta dadka iyo gaadiidka daadadku qaadaan, 3. soo samata bixinta dad, duunyo iyo xawayaan wixii bullaacado la dumaan, guri ku dumo amma si uun dhib u soo gaadho, 4. Wacyi galin bulshada xilliyada xadhkaha laydhka roobabka dabaylaha wataa daadiyaan, 5. U miciinidda dadka baabuurtu shilalka iskula gasho iyo boqollaal hawlood oo aan tiro lahayn.
Waxa wanaagsanaan lahayd in ciidankan magaca laga baddalo oo magac u dhigma shaqooyinka ay hayaan loo baxsho, illeen ciidankani dab qudha ma damiyaanee waxaas oo shaqo ah ee farahaa leh ayay ummadda u hayaanee. Ciidankani waxa ay mudanyihiin in  lagu bogaadiyo, lagu garab istaago, laguna hambalyeeyo shaqooyinka wanaagsan ee ay innoo hayaan.
Malyan jeer mahadsanidiin mudanayaal!
W.Q: Samadoon Cali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker