Al-Shabaab Oo Weeraray Kolonyo Ka Tirsan Ciidamada Kenya oo Maraayay Meel ka Tirsan Gobolka Gaarisa

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo ah oo Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay deegaan u dhow Magalada Gaarisa ee dhulka gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya.

Kolonyo ka tirsan Ciidamadaasi Kenya ayaa qarax miino ah oo nooca dhulka lagu aaso ah lala egtay xilli ay marayeen inta u dhaxeeysa deegaanada Sedax goosa iyo Amuuma oo u dhow Magalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxaas,waxaana warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ay ku sheegeen inay gubeen mid ka mid ah Gawaarida Ciidamada Millateriga Kenya,isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay.

Majiraan wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Bari oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas,waxaana uu kusoo aadayaa xilli Dowladda Kenya ay xidhay Xaduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale Kenya ayaa maalma ka hor soo saartay digniin ku aadan inay jiri karaan weeraro Ururka Al-Shabaab ka geystaan deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya, iyada oo sheegtay inay ka feejigan yihiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker