“Maxamuud Xaashi Guul Darro Siyaasadeed Ayuu Lugihiisa Ku Doontay Oo Adhaxduu Iska Jabiyey ..”

Guddoomiyihii hore ee Golaha Dhexe Xisbul Muxaafidka KULMIYE Garyaqaan Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa si adag uga hadlay xaaladda Mustaqbalka doorashada Madaxtooyada Somaliland ee la filayo in ay dalka ka qabsoonto marka uu dhammaado muddo xileedka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dabayaaqada Bisha November ee sannadkan isaga oo sheegay in aanay haba yaraatee doorashado Madaxtooyo oo dalka ka dhacaysaa jirin Madaxweyne Muuse Biixina aanu diyaar u ahayn doorasho dalka ka qabsoonta muddodii loogu tala galay isaga oo dhinaca kalena guul darro siyaasadeed ku tilmaamay iyo dhirbaaxo soo gaadhay siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi oo kulamadii uu Madaxweyne Muuse Biixi la yeeshay uu ku sheegay in ay ahaayeen kuwo dhabarka lagaga jabiyay.
Guddoomiyihii hore ee Golaha Dhexe Xisbul Muxaafidka KULMIYE Garyaqaan Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo aad u yaqaana dabciga iyo shaxda siyaasadeed ee hogaanka KULMIYE oo ay muddo dheer soo wada rafiiqeen ayaa sheegay in Siyaadi Maxamuud Xaashi Cabdi ku laabashada uu quuddaraynayo in uu ku laabto xisbigii hore looga eryey ee KULMIYE waxa uu ku sifeeyey guul darro siyaasadeed oo uu lugihiisa ku doontay sida uu hadalka u dhigay isaga oo kula taliyay in uu bannaanka ka joogo xisbigii sida foosha xun dibadda looga dhigay wakhtiganna ku laabashadiisu aanay u soo sidin wax aan ka ahayn dhabarka oo laga jabiyo.
Siyaasi Jaamac Shabeel oo la hadlayay Telefishanka Horyaal waxa uu yidhi: “Waxaan u arkaa Guul darro siyaasadeed oo uu gacmihiisa iyo lugihiisa ku kasbaday. Aniga waxa ay igu yidhaahdeen xilkii waa lagaa qaaday oo xisbiga waa lagaa saaray, isagana sidoo kale waxay ku yidhaahdeen xisbigii waa lagaa saaray. Anuu waxbaanan idhi oo waan hadlay. Xukuumadda iyo xisbigaba xataa haddii aanay wax odhanna arrintooda dib uguma noqdeen xataa haddii ay aamusaan oo aanay maalintaa juuq ii odhan. Anigu wax weyn baan arkay oo kharriban. Maxamuud Xaashi isaga oo aan hadal oo kaliya hadalkiisu ahaa waxaan doonayaa in aan guddoomiyaha xisbiga isku sharraxo ayaa lagu yidhi xisbiga waanu kaa saarnay oo xataa xubinimadii ayaanu kaa tuurnay. Sabab allaala sabab ku celisa oo aan Guul darro siyaasadeed ahayni ma jirto adhaxda ayaanu ka jabay Maxamuud Xaashi Cabdi. Isaga ayaana iska jabiyay. Ninka dibadda kuu tuuray maanta ma hadh buu ku jiifinayaa. Waana lagu danaysanayaa uun. Sawirkana waa la iibinayaa. Guddoomiye loo dhiibayaana ma jirto rag baa meesha jooga. Haddii ay beel tahayna Beeshiisa ah ayaa meesha jooga. Haddii ay Mujaahidnimo tahay Mujaahidiin ah. Haddii ay tahay Xisbi baan kaadi u soo cabbayna rag sheeganayaa intaaba ayaa meesha jooga. Anigu Arrintaa aadbaan runtii uga naxay markii aan arkay Maxamuud Xaashi dib ugu noqday oo sawir la soo galay Muuse Biixi. Muuse waa kii uun ma Muuse cusub baa meesha yimid aadbaan uga naxay runtii. Muxuu kaga noqonayay muu bannaankiisa iska joogo. Muu urur furto haddii uu doonayo oo uu doonayo in uu siyaasadda ku sii jiro. Isagu waxa uu filayaa in inta uu Maxamed Kaahin Guddoomiye noqdo in uu uga dambeeyo, waxaasi waa wax aan macno samaynayn”.
Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo wax laga waydiiyey kulamadii dhex maray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Musharraxa Madaxweyne ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa waxa uu yidhi: “Nin waliba hadalkiisa waa suntadaa. Anigu hadalkayga waan suntanayaa Muuse Biixi doorasho November saddex iyo Tobankeeda uu qabanayaa ma jirto. Kulamadan iyo waxan uu wadaana waa hoosaasin iyo burushayn waayo doorashada Koomishan baa qabta shaqadeeda oo dhan Koomishanka doorashooyinka qaranka ayaa iska leh. Labada Xisbi Mucaarid ha is waydiiyaan maxay wadaan Koomishankii, ma wadaan shaqadii diyaar garawga doorashada mise ma wadaan?. Maxay Muuse Biixi kaga meeraysanayaan. Haddii ay wadaan Komishanku shaqadii doorashada oo ay shaqadii doorashadu socoto oo ay arkayaana haku seexdaan oo haku talo galaan doorashadii in ay dhacayso. Haddii aanay shaqadii koomishanku soconina dee yaanay nafta ku maaweelinin Muusaa qabanaya iyo Muusaanu aragnay wax alla wax macno leh oo ay samaynaysaa ma jirto. Aragiisa iyo la kulankiisu wax macno leh oo uu samaynayaa ma jirto oo aan ahayn Burushayntaa. Horrayso iyo dambayso kulanka Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro oo aan ahayn Maslaxad ugu Jirta Muuse oo ah in uu iska barafeeyo oo uu iska qaboojiyo oo uu Libaaxyo uga sheekeeyo oo kulankoodaa ku dhex jiraa ma jiro”. Ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker