Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraash Iyo Maansadiisa Iimaanka Dhabtiisa Fahma.

Ramadaan mubarik.
 maansadina waa maanso kooban dadka ku baraarujinasa khayrka bisha barakaysan,waxayna ka mid tuhuun dadalada iyo khayrka aynu lawaagano muslimiinta iyo sooomaalida aniga ku leh bisha ramadaan khayrka halla libinlaabo marwalba cibaadadka suuban halla sii wado.

Ramadaantu waa dharaaro,

Dhibciyo ayaamo tirsan,
Dhowr weeyaan cishaadee,
Ma dheeero kollay dadkaygoow,
Iimaanka dhabtiisa fahma.
Dadaal dheero samayso,
Khayrkood dhugato sidiisa
dhuuxdood u dhago nuglaato
Dhagaysto waajib weeyee,
ma dheera kollay dadkaygoow,
Iimaanka dhabtiisa fahma.
Dhawaaqa eedaanka baxaaya
Intaad usii dhawaado
Sallaadaha shanteena dhowrto
Waajib weeyi dhabtiiyee
Ma dheera kollay dadkaygoow
Iimaanka dhabtiisa fahma.
Hamse riiraash

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker