Dawladda Kenya oo Aad uga Naxday Qaraarkii Wadamada Jaamacadda Carabtu kula Safatay Dawlada Somalia

Nairobi (OW) – Dowladda Kenya ayaa mar kale waxay ka jawaabtay war-murtiyeedkii uu ururka Jamaacadda Carabta ku garab istaagtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Bayaanka oo lagu xusay in dhul badeedka ay sheeganeyso Kenya ay yihiin kuwa been abuur ah .waxaa kaloo Ururka Jaamacadda Carabtu digniin culus u diray Xukuumada Kenya, inay joojiso farogelinta ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Afhayeenka dowladda uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta ayaa ku sifeeyay warbixinta kasoo baxay ururkaasi oo ay wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya faafisay “waxba kama jiraan”, sida ay baahisay saxaafada maxaliga ah.

Cyrus Oguna ayaa waxa uu ku tartarsiiyey dadka Kenya in ay ka digtoonaadan wararkaasi uu ugu yeedhay “kuwa aanan waxbo ka jirin”.

Xukuumada Muqdisho ayaa waxa uu ku eedeeyay in ay adeegsaneyso Ururo siyaasadeed si ay “xaqiiqada jirta u laasho”.

“Dadweynaha haka digtoonaadan wararkaan lasoo diyaariyey ee aysan iyaga xitaa u qalmin,” ayuu u sheegay Daily Nation.

Isaga oo sii hadlaya ayuu ku booriyey saxaafada dalkiisa in aysan baahin “wararka aanan ka imaan ilaha aan saxda aheyn”.

“Sababtaasi darteeda waxaanu dooneynaa in aan ka korno maalmaha Ay soo maleegeen  been-abuurayaasha  noocaan ah oo kale ah ,” ayuu daba dhigay.

Hadaladdan culus ee kasoo yeedhay afhayeenka dowlada Kenya ayaa imaanaya iyadda oo ay dowladda Soomaaliya warbaahinta madaxa banaan ka codsatay in aysan “dhexdhexaad ka noqon qadiyada badda”.

Kala taag-taaga labada dowladood ee deriska ah oo sii xumaanaya ayaa kusoo aadaya iyadda oo maalinta lagu dhawaaqayo xukunka Maxkamada Cadaalada Aduunka ay bilooyin ka harsan tahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker