Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraas Oo Ka Sheekyana Xidhiidhkii Ka Dhexayn Jiray Masaaridii Hore Soomaalida Iyo boqoradii xatshasabut.

Marka aynu rabno in aynu wax ka iftiimino boqoradii ka talin jirtay dhulka masar ,lana odhan jirey

xatsabashuut,taasi oo la lahaan jirtay xidhiidh dhow dhulkii ay masaaridii hore u yiqaaneen dhulkii uduga amba biladul punt,waxaynu ogaanaynaa inay adagtahay in tafaasiil badan laga hello .

Haddaba  dhulkii loo yiqaanay dhulka uduga oo ahaan jirtay geeska afrika gaar ahaan inta loo yiqaano saxaro u eekaha,ayaa ahayd dhul aan si dhayala loo soo gaadhi jirin sababtaoo ah safarada ayaa soo dhex mari jiray saxaraha bariga,ee ka dhaca meesha loo yiqaano waadiga xamaamk ..

Wakhtigii dawladii cusbayd ayay boqorada xatsabashuut ay soo dirti jirtay  dhulkii ay u yiqaaneen jireen  dhulka uduga wafti aad u balaadhaan jiray waftigaasi waxay awood u yeelan jireen in ay ka keenaan dhulka uduga alaabooyin badnaan jiray oo ay ka mid ahaayeen bukhuurka,cadarka,dahabka ,foolka maroodiga iyo looxa loo yiqaano ibnuuska iyo haraga shabeelka.

Waxana lagu sawiray rixladan sidii ay u dhacday macbadka,(meesha ay wax ku caabdudaan} ee ku taala guriga loo yiqaan baxra. isla markaasina ku taal dalka masar .

Hamse riiraash

Hamseriraash@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker