HUTEEL TALEEX IYO XAAJI AADAN AFQALOOC .W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)
Markii soomalidii xornimada qaadatay 26june iyo 1luulyo midowgii labada gobol ee waqooyi iyo koonfur, waxa dhalatay midnimo soomaliyeed iyo qaran lawada leeyahay, hadaba intii ay xukunka hayeen dawladihii rayidka ahaa waxa ay madaxdii waayadaasi marinkii ka weeciyeen tubtii ay ku haboonayd kuna hagaagsanayd, xaajigu waqtigaa aan sheegayo wuxu u ambobaxay gobolka sanaag gaar ahaan degmada ceerigaabo halkaas oo ciil iyo calool xumo uu la joogay, markii xukuumadii rayidka ahaa la afgambiyey ee askartu dalka hogaanka u qabteen ayaa xaajigu ka yimid ceerigaabo waxa lagu soo dhaweeyey magaalada mugdishu ee caasimada soomaliya waxaana si maamuus ku dheehan yahay u soo dhaweeyey madaxdii hogaanka dalka haysay waxa la dejiyey midkamid ah huteeladii ugu bilicda badnaa dalka waa huteel taleex.
Intii uu halkaa deganaa waxa loo muujiyey noockasta oo ay soodhaweyni tahay waxaana kobtaa ugu yimid madaxweynihii dalka, wuxu deganaa mudo saddex cisho ah kadib xaajigu huteelkii waa kabaxay isagoo si dhaba u dareensanaa in bulshadiisa qaar badan oo kamid ah aanay haysan wixii ay jidiinka marin lahaayeen ee ay quudan lahaayeen wuxu damcay inu dadkiisa ku dhexnoolaado oo nolosha waayaheeda la qaybsado. Xaajigu mudadii uu joogay ceerigaabo wuxu gabayo badan ku tilmaamay inu xabaashiisa qotay isaga oo nool kadib markii uu nacay ficiladii siloonaa ee madaxdii xukuumadihii rayidka ahaa ay samayn jireen.
Saddex cisho oo uu heteel taleex deganaa xaajigu wuxu damcay inu ka baxo huteelka kadib waxa madaxdii dalka loo sheegay in xaajigu uu ka baxayo huteelka waxaanay amreen in xaajiga la dejiyo qol kamid ah guryihii dawlada oo ku yiiley xaruntii hore ee leegada.
Gabaygan xaajigu wuxu ku sheegayaa kobtii la dejiyey ee huteel taleex iyo sidii ay ahayd, kobtii sarta dheer ahayd ee laydha badnayd, kobtii mawjadaha bada laga daawan jirey, hudheelkii dhirta badnaa ee aad keynta moodaysay, meeshii udugeeda kii janada aad moodaysay, hudheelkii adeega badnaa, hudheelkii iskaa wax u qabso lagu dhisay, hudheelkii madaxdii dawladu joogtay, gabogabada gabayga ayuu xaajigu codsanayaa in huteelka la dejiyey ay u dhaanto meel yar oo uu jiifsado sidaas ayuu codsanayaa in madaxdu ka aqbasho runtiina way ka aqbaleen waxaanu yidhi:
Irtifaaca meeshii lahayd aada iyo laydha
Oogadii halkii ay hawadu iiga imanaysey
Halkaan mawjaddii ka arkayiyo Aylankiyo xeebta
Meeshii ashjaartiyo badnayd ayda iyo kaynta
Meeshaad udgoonkii jannada ubaxa moodaysey
Anfacaba adoon cunin halkaad ku istareexaysey
Meeshii adeegyada badnayd edebsanoo fiican
Meeshii alaabtii la dhigay Uruba loo doonay
Meeshii xarrago loo ebyoo uunka wada deeqday
Meeshii iskaa lagu dhisoo guushu ku ebyoontey
Meeshii shirkii Uunadiyo Ururka weyn qaadday
Meeshay isku arkeen raggii amarka loo dhiibey
Meeshuu guddoonshe u ahaa aaddanow Maxamed
Meeshii aclaantii la sudhay qaaradda Afriika
Meeshuu iclaankii Siyaad umamka gaadhsiiyey
Meeshii Taleex lagu ismiyo aayihii xarunta
Anigoon dhib arag oo waxan idhiba lay yeelo
Oo waxaan anfaco rabo dhakhsiyo edeb la ii siiyo
Aqalkii ka soo baxay halkaad igu ogaydeene
Ikraamkiinna qaataye naftaan ii aqabalihayne
Awooddaa ka gaabaniyo cimriga aynigaan jiraye
Hadduun baan ifka u soo baxee Aakhiraan tegeye
Waxaan ahay ninkii iilka galay Ceerigaaba ahe!
Rugta amarra weyntaa lehiyo duul ajaanibahe
Iskaa wax u qabsiyo meel yar baa iiga agab roone
Sidaasaan warkii ku abyey oo ii asbaabo ahe
Idna iga aqbala taagta waad iga arkaysaan.
W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)