Dawlada Maraykanka oo Hakisay Bixinta Sharciga Deganaanshaha ee Green Card

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa  Saxiixay amar Madaxweyne oo uu si kumeelgaadh ah ugu joojinayo ansixinta qaar ka mid ah kararka deganaanshaha Mareykanka ee green card-ka.

 

 

Amarkan oo aanay ku jirin dhowr xaaladood ayaa waaxa uu socon doonaa muddo 60 casho ah waxaana laga yaabaa in la sii dheereeyo, ayuu yiri.

Mr Trump ayaa sheegay in amarka loogu talagalay in lagu ilaaliyo shaqooyinka shaqaalaha Mareykanka ee dhaqaalaha uu waxyeellada soo gaarsiiyay coronavirus.

 

 

Dadka dhaleeceeya Trump ayaa waxa ay ku eedeeyeen inuu cudurkan u isticmaalayo fulinta siyaasadaha xagjirka ah ee socdaalka ee uu mudada dheer ku taamayay xilli weliba sanadkan doorasho la galayo.

“Tani waxa ay xaqiijinaysaa in dadka Ameerikaanka ah ee aanan shaqa-haysan ee noocyada kala duwan ah ay noqonayaan kuwa ugu horreeya ee shaqooyin hela markii dhaqaalaha dib loo furo,” ayuu Mr Trump Arbacadii ka sheegay Aqalka Cad mar uu waday xogta maalinlaha ah ee cudurka coronavirus.

 

Amarka ayaa la filayaa in lagu joojin doono in dadka haysta kaarka daganaanshaha Mareykanka ee green card-ka inay maalgaliyaan eheladooda oo ay usoo dhoofiyaan Mareykanka si ay halkaas u degaan, taas oo uu madaxweynuhu ku tilmaamayo inay tahay silsilad soogalooti.

 

 

Hasayeeshee wuxuusan amarkan qabanayn lamaanaha muwaadiniinta Mareykanka iyo carruurta aanan weli guursan ee ay da’doodu ka yartahay 21 sanno.

Amarka ayaa sidoo kale waxa uu hakinayaa dal-kugalka bakhtiyaanasiibka ee loo yaqaan Diversity Visa Lottery, kaas oo sanadkiiba loo soo saaro ku dhawaad 50,000.

 

Sidoo kale amarkaas ma uu qabanayo boqollaal kun oo qof oo haysta kaarka daganaanshaha Mareykanka kuwaas oo dalkaas hore ugu noolaa kana shaqeysanayay, iyo dhakhaatiirta doonaysa inay dalkaas ka shaqeeyaan, kalkaalisayaasha iyo xirfadlayaasha kale ee daryeelka caafimaadka.

Wuxuusan amarkan sidoo kale qabanayn boqollaalka kun ee qof sanadwalba la siiyo dal-kugalka kumeelgaar ah ee booqashada kuwaas oo ay ku jiraan araajida shaqaalaha beeraha iyo kuwa xirfadlayaasha ah ee dalka ku soo gala barnaamijka H-1B.

 

 

Maxay noqon doontaa saameyntu?

 

 

Cudurka safmarka ah ayaa waxa uu saameyn degdeg ah ku reebay socdaalkii sababtoo waxaa muddo todobaadyo ah istaagtay howshii wasaaradda arrimaha dibadda ee ku dhawaad dhammaan dal-kugalkii ay bixin jirtay maadaama la xiray qunsuliyadihii arrimahaas ku howsha lahaa.

Hasayeeshee sida uu sheegayo Mac-hadka Siyaasadaha Socdaalka ee uu fadhigiisu yahay magaalada Washington, Mr Trump ayaa amray in bishiiba laga joojiyo in ka badan 20,000 oo arji in la siiyo kaarka daganaashaha dalkaas ee green carkd-ka.

 

 

 

mar Jadwat, oo ah agaasimaha hay’adda American Civil Liberties Union’s Immigrants’ Rights Project, ayaa sheegay in siyaasadda “ay dhibaato rasmi ah ku keeni doonto qoysaska iyo shaqaalaha gudaha dalka”.

 

 

Tallaabada madaxweynaha ayaa waxa ay u badan tahay inay wajihi doonto loollan dhinaca sharciga ah.

 

 

 

Sideennu halkan ku soo gaarnay?

 

 

Madaxweynaha ayaa waxa uu wacad ku maray inuu “dhammaan muhaajiriinta” ka joojin doono Mareykanka, farriin uu saqdii dhexe ee Isniintii soo dhigay bartiisa Twitterka.

Sida dalal kale oo badan Mareykanka ayaa waxa uu soo rogay xayiraado adag oo dhinaca socdaalka ah si loo xakameeyo cudurka safmarka ah.

Maamulka Trump-na waxa uu xaddiday dadka ka imanaya Shiinaha iyo inta dalaka Yurub ee booqanaya dalkaas, halka goobaha la isaga tallaabo xadadka Mexico iyo Canada loo ogolyahay oo kaliya dadka u safraya arrimaha “asaasiga ah”.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu miiska soo saaray sharci la sameeyay 1944 kaas oo looga gol-leeyahay in lagu hor istaago faafidda cudurrada faafa, si uu xuduudaha Mareykanka uga celiyo dadka magangalyo doonka ah.

Muxuu Trump sidan u samaynayaa?

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu doonayo inuu ilaaliyo shaqooyinka Mareykanka.

In ka badan 2 milyan oo Ameerikaan ah ayaa waxa ay lumiyeen shaqooyinkoodii waqtigan uu dunida halakeeyay cudurka coronavirus, madaxweynuhuna waxa uu sheegay in xukuumaddu ay “mas’uuliyad wayn” ka saaran tahay xaqiijinta in dadkaas ay shaqooyinkoodii dib u helaan.

Mr Tump, oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, ayaa qeyb ahaan xilka ku qabtay aragtidiisa xagjirka ah ee ku aaddan socdaalka, arrintana waxa uu udub dhexaad uga dhigay madaxtinimadiisa.

Doorashada Nofeembarta soo aaddan ayaa waxa la filayaa inuu la loollami doono madaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden, oo ah Dimuqraadi aad u taageera socdaalka.

Waxaa jira dad kale oo madaxweynaha ku eedeeyay inuu isku dayayo inuu dareenka dadka ka weeciyo qaabka uu ula tacaalay xanuunka coronavirus. Mareykanka ayaa cudurkaasi waxa uu ku dilay 46,000 oo qof halka uu cudurka soo ritay 840,000 oo qof, tiradaas oo ah tan ugu badan caalamka oo dhan.

 

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker