Dhakhtarad Isdishay Kadib Markii Ay Si Wayn Uga Niyad Jabtay Xanuunka Coronavirus
Dr. Lorna M. Breen, oo ahayd madaxii qaybta gargaarka ah degdeg ah ee cisbitaalka Pressbyterian Allen, oo ku yaalla magaalada New York ee dalka Maraykanka, taas oo safka hore kaga jirtay la dagaallanka xanuunka Coronavirus, ayaa is-dishay kadib markii ay qoyskeeda u sheegtay niyad-jabka wayn iyo dhaawaca maskaxeed ee uu soo gaadhsiiyay xanuunka Covid-19.
Gabadhan dhakhtaradda ah, oo uu ku dhacay xanuunku, ayaa fasax kaga jirtay shaqada, balse qoyskeeda ayaa sheegay inay si wayn uga werweraysay dadka uu soo ridanayo xanuunku, gaar ahaan dadka geeryoonaya kuwaas oo aan xitaa cisbitaalka la gaadhayn nafta.