HAL-Abuur Qoraa Xamse Riiraash Oo Ka Hadlaya Faa’idada Sallaada.
RAMADAN MUBARAK
Salaadu waa tiir ka mida tiirarka ugu muhiimsan ee aasaska u ah diinta islaamka.
Shay waliboo rasuulka lagu waajibayay, waxa lagu waajibayay isaga oo rasuulku ku sugan dhulka dushiisa ,balse rasuulku salaada wuxuu u doonay toddobada sammo dusheeda.
Taa oo looga soo xanbaarayiyay rasuulka shanta salaadood samawadka. habeenkii cajiibka ee la dheelmiyay isla habbeenkoo oo rasuulku lasoo tusay mucjisooyin fara badan oo noocyadeedu kala duwanaa ,sida anbiyada jannada naarta malaaigta iyo wixii la hal maala . Habeenkaas oo loogu magac darayay israa Wal micraaj.
Anbiyadii ka horreysay rasuulka dhamaantood dadka waxay ugu yeedhayaan caabudida ilaah kaliya oo xaqa, iyagoona dadka ka nihinayay shirkayaadka iyo khuraafaadka Sida aad quraanka ka dhex hellayso.
Salaadu waa shayga ugu weyn ee rasuulka kula dardaarmayay umaddiisa , salaadu macnaheeduna waa xidhiidh ilaahay iyo adoonkiisa oo toos u xidhiidhinasa.
Sacaadada ama farxada noloshu leedahay salaaday ku xidhantahay. Haddaad doonaysay inay noloshu idiin hagaagtana laasima oo ilaaliya salaada.
RAMADAN MUBARAK
Hamse riiraash
Hamseriraash@hotmail.com