DADKAYGOW DIGTOONOW

ASC. Waxa aynnu inteenna badani la soconaa in cudurkan (Covid-19) ee adduunkan ku faafay yahay mid dhibaato iyo dimasho isugu daray dadkii uunkan ku noolaa. In kastoo qofkii Illaahay dilayo ay heddiisii gashay, haddana waxa haboon in laga tabaabushaystao si waxyeeladiisu aanay kuusoo gaadhin eyadoo Allah la kaashanayo.

Waxa aynnu ognahay awoodda caafimaad iyo dhaqaale ee dalkeena taala taasoo haddii uu cudurkan si xawli ah inoo soo gaadho Ilaahay kama dhigeh uu dhibaato aan yarayn ina gaadhsiin karo. Inkastoo dawlad iyo shicibba aynnu foojignaan muujinay haddann weli wax badan ayaa inga dhiman.

Dalalka ay soodimaha la leenahay farabaas ayuu ku hayaa imika, xaduudeenana waynu ognahay in meelwaba si fudud looga soo geli karo cudurkana waxa sida dad is og iyo qaar aan warba ka haynin inay qabaanba. Waxa aan warbaahinta qaarkood ku arkay in dalka aynnu jaarka nahay ee Djibouti dad ka soo galeen xagga buuralayda eyagoo og in Lawyacado ay xidhan tahay. Dadkaa si waxay sida la sheegayo ka soo cararayaan dalkooda oo cudurkani (Covid-19) dad badan uu ku dhacay. Kaaga darane waxa soo dhaw xagaagii oo dad badan oo reer Djibouti u soo kicijireen dalkeenna.

Dadkaasi inta badan waa dadkeenni oo nafi hayso una soo caraya dalkoodii labaad iyo eheladoodii si ay uga samatabaan masiibadan taagan. Eheladooda Somaliland ku dhaqanna dabcan way soo dhaweynayaan, guryo ayay u  kireeyaan amba ha la noolaadba e waa qaar sugaya.
Waxaase meesha ka maqan oo bulshadu aaynay dhaadaynba inta badani imaashaasi inuu sababi karo aafo qaran oo dalkeenna ku habsata oo maaraynteedu adkaato, ennagoo taagteenna og.

Waxa aan ku taliyaa in shacabka laga waaniyo loona iftiimiyo in dadka debedda ka soo gelaya dalka eyagoo u nasteexaynaya u sheegaan in ay dadka iska faquuqaan una sheegaan goobaha caafimaadka ku shuqulka leh. Hadda sidaa ugama jeedo ehlekaaga fogee ee mid badbaado u ah inta fayow ee kale iyo dhammaanba mujtamaca reer Somalilandba.

Dad gaadiidlay ah oo iimanku ka dalacan yahay ayaa jira oo shilin wax kasta dhaafasada oo dadka kula balama checkpoints hareerihiisa si sharcidaro ah ku soo geliya ajaanib dalkeenna. Dadkaa ay soo geliyaan waa dad tahriib u socoda ama dawaro ama shaqo oo aan Somali ahayn. Imikana waxa dhici karta in fursadi uga soo baxado in ay maal ka dayaan meel kasta oo aan border check point jirin in dad ka soo geliyaan. Waxa aan u soo jidinyaa dawladdu iyo shacabkuba inay dadka noocaas ah foojignaan dheeraad u yeeshaan.

Wa Bi-Laahi Tawfiiq

Hassan Abdi

Calgary, AB Canada

sugaa;1988@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker