Qof Kastaa Hawdiyaar Garoobo Dhirbaaxada Sadhada COVID-19. W/Q: Sadam Osman Kaabash.
Sadhada Covid-19, waxay saamayn xoog leh u gaysan doontaa caafimaadka iyo dhaqaalaha bulshada Somaliland labada bilood ee soo socda. Waa mida hore’, waxa uu soo ridan doonaa kumanaan qof oo ku nool guud ahaan Somaliland, gaar ahaan, lixda gobol ee waaweyn. Haddii aynu abbaarno bar bilawgii sadhadan; kaba soo qaad in hal qof oo qabaa uu bulshada dhex maray. Qofkaasi haddii uu la kulmay 10 qof oo keliya muddo ku simmaan laba cisho. 10 cisho ka dibna uu la sii kulmay dad door ah, guud ahaan dadka uu la kulmayaa waxay u dhigmaysaa 50 qof ugu yaraan. Balse, ka warran haddii qofkastaana la sii kulmay isla kontonkaas. Muddo koobaan waxaa active noqonayaa dad ku dhaw 300 oo qof. Taas macnaheeduna waa in qofkiiba maalinkii qaadsiin karo saddex qof, oo noqonaysaa bil gudaheed waxaa xanuunka u jirranaan kara kun(1000) qof.
Sadhadani in ay ka sii saa’iddo xaddigan waxaa caawin kara sababahan hoose;
1. Haddii qofku xanuunsado ama u soo dhaco xanuunkan, waxaa soo booqanaaya ugu yaraan saddex qof oo qaraabadiisa ah. Kuwaas oo qaar salaamayaan, qaar la seexanayaan, qaarna la sheekaysanayaan. Isla bartaas saddexdii qof waxay ku noqonayaan “Active” sadhadan faafin kara. Soo booqashaduna waa khatar kale oo xanuunku ku faafinkaro.
2. Maqaaxiyaha iyo meelaha laga cunteeyo iyana waa meelaha ugu muhiimsan ee xanuunkan laysugu gudbiyo. Sababtoo ah, dhammaan dadku waa wada fasax meelaha ugu badan ee laysugu imaanayo, laga cuntaynayo ama laga shaahayo waa goobahan. Goobahana maacuunka wax lagu cuno si heersarraysa uma nadiifiyaan, taasina waxay keenaysaa in ay goobahani noqdaan goobo halaag oo umada u horseeda dhib iyo sadho faafta.
3. Goobaha jaadka, goobahani waa meelo xaasaasiya oo horseedi kara in xanuunku bulshada dhexdeeda ku faafo. Goobahan waxaa ku badan dadka nadaafadoodu liidato. Waana goobaha dadka ugu badani ku arbudanyihiin. Barahan dadka ku sugan hadduu xanuunku ka bilawdo, waxaa fudud in si sahlan bulshada kale ugu faafo.
4. Masaajidada, dhammaan goobaha cibaado iyana waxay ka qayb qaadan doonaan faafidda sadhada. Goobahani waa baraha keliya ee boqolaal qof hal mar wada kulmisa. Waa goob hawadu ku yartahay, oo dadka qaar ay xannibaan qalabka hawada; sida daaqadaha iyo marawaxadaha iyagoo ku sababbeeya in aanay xammilayn. Masaajodada qaarna maba laha qalabka hawada. Taas macnaheedu waa haddii hal qof oo sadhadan qabaa masaajidka soo galo waxa uu qaadsiin karaa afar qof oo ku xiga, laba ka horreeya, laba uu albaabka ku sii dhaafay iyo laba uu soo dhaafay. Halkaasna waxaa qaadi kara 10 qof. Kuwaas oo iyana ugu danbayn bulshada u sii qaybinaya! Masaajidadu waa goobaha keliya ee xanuunka lagu xakamayn karo iyadoo salaadii sidoodii loo oogayo. Keliya waxaa la samayn karaa in qofkastaa soo xidho Face-mask una jirsado hal talabo qofka kale. Halkaas waxaan ka arkaynaa in cibaadadiina la oogi karo nafaheenana la dhawri karo badqabnimadeeda.
Ugu danabyn, ma yara xawliga gudbida ee xanuunkan. Isla maanta waxaa xaafadahooda u jiifa boqolaal qof oo lagu cuudinayo sinjibiil, toon iyo xabaasuud. Dhammaantoodna kama diiwaan gashana goobaha caafimaad. Shacbiga Somaliland iyaga oo taxadir muujinaya haw diyaar garoobaan mawjado isdaba socda oo sadhdan ah.
Sadam Osman kaabash.
Hargeisa, somaliland.
Degmada, Maxamed Mooge