Waxbarashadda Loo Socddo (Q5naad)
Waxbarashaddu waa hub iyo aalad aynnu soo isticmaalney shaley,isticmaali doonno berri,iyo mustaqbalkaba.waa xoog iyo awooodd aynnu addeegsaneynu xikmada ku jirta wakhtigan,wakhtigii la soo dhaafey si aynnu markale mustaqbalkeenna u wanaajinno.tani waxa ay ka dhigeysaa waaxda iyo qeybta waxbarashadda gobol ay tahay in masuuliyad xoogan la iska saarro,iyadda oo si joogto ah loo qiimeynaayo isbeddelada mustaqbalka soo baxaaya iyo casriyeynta iman doonta intaba,si loola jaanqaado isbeddelada markasta baahida iyo horumarku kor kacayaan.Dhanka kale waxbarashaddu waa qeybta ugu dhawrid iyo feeginaanta badan waayo waa wax marna hoos u dhac ku iman karo marna kor u kac oo xidhiidh toos ah la leh hadba sida noloshu ay tahay.
Caqabada ugu weyn ee maanta Waxbarashadda somaliland heysataa waa in guud ahaan bahdda jecel waxbarashadda lagu xidho dunnida Tiknolojiyadda.Inkasta oo kuwo badan oo ka mid ahi ay sitaan telefoonada gacanta oo casri ah,xidhiidh dhawna la leeyihiin tiknolojiyadda,suuqa qalabka tiknolojiyaddana ay isha ku hayeen hadba waxa cussub ee soo baxey,haddana kooxo badani gebi ahaanba dibadda ayey ka jooggeen aqoontan iyo sidda waxbarashaddu uga faa,ideysan karto intaba.Jaamacaddaha dalka oo ah kuwa waxbarashadda sarre gacanta ku hayaa ma laha Shebekaddo,mareegta internetka (Website) Cilmiga iyo Aqoontu ku keydsan yahay oo Ardeydu ay kala soo degi karto kana akhrisan karaan kooras(Course) kasta amma buugg kasta.Keliya Shebekadaha(Websites)-ka Jaamacadduhu ay leeyihiin waa kuwo taariikhda,sawirrada iyo xogg kooban oo Jaamacadda ah sidda kulliyadaha iyo Magacyada koorasyada lagu uruuriyey si ardeydu ay u kala xushaan.
Jaamacaddaheennu mey dhisin ilaa hadda aqoonta in la dhex mariyo tiknolojiyadda oo looga faa,ideysto si fuddud,oo aan tamar badan lagu bixinin.kelliya in shebekadd xayeysiis ah jaamacadda loo sameeyaa maaha mid kaafiyeysa in aqoonta lagu helo goor kasta iyo goob kasta.xaqiiqada kale ee jirta ayaa ah in aan macallimiin badan,maamulayaal dugsi iyo maamulka sarre intuba aanney laheyn amma aqoon (Website) u gooni ah oo ay aqoonta ku soo faafiyaan waxna laga baran karro.Casriga noocan ahi nidaamkii soo jireenka ahaa wuu qiimo tirey,cilmigii wuxuu ka dhigey mid ay ka xigto in aad gujiso ama taabato meel la dhigey laguna keydiyey.aqoonta aad maaddo iyo cilmi gaar ah u leedahay maaha maanta mid adiga oo qudha kugu kooban waase mid dad badani kula og yihiin iyaga oo kula socda hannaanka tiknolojiyadda.
La soco Qeybta (Lixaad)
Abdifataah M.Ahmed
Ceelaabe_10@gmail.com