24 saacadood Gudahood Oo In ka Badan kun Qof Ugu Dhintay UK Cudurka COVID-19

Dalka UK 1,162 qof ayaa ugu dhintay cudurka Karoonaha 24 saacadood  ee la soo dhaafay,sida laga soo xigtay xarumaha caafimaadka.

Waa maalinkii labaad ee ugu dhimashada badneyd tan iyo markii Feyraska laga helay UK horaantii sanadkii naga idlaaday ee 2020.

21 April ee sanadkii hore, ayaa ahayd maalinkii ugu dhimashada badneyd karoonaha dalka UK waxaana dhintay 1,224.

Guud ahaan, waxaa UK karoona ugu dhintay ilaa bishii Maarso ee sanadkii 2020 dad gaadhaya 77,346.

Xaaladda karoonaha ee UK ayaa faraha ka baxeysa iyadoo ay socdaan labada tallaal ee lagu kala sameeyay Jarmalka iyo UK. Waaxda caafimaadka waxay sheegtay in feyraska uu si lixaad leh ku faafayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker