Madaxweyne Farmaajo oo Asmara u tagaya dhex dhexaadinta Jabuuti Iyo Eritrea.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in ay mar 2aad booqasho ku tagaan dalka Eritrea, waxaana markan uu Madaxweynahu dhexdhexaadinayaa Dowladaha Jabuuti iyo Eritrea.

Ujeedada safarka Madaxweyne Farmaajo ee Asmara ayaa la sheegayaa in uu la xidhiidho sidii Soomaaliya u dhex dhexaadin lahayd dalalka Jabuuti iyo Eritrea, Jabuutina loogu soo celin lahaa dhulka iyo Maxaabiista kaga maqan dalka Eritrea.

Xubnaha ka midka ah Wafdiga Madaxweynaha ee tagaya Asmara waxaa ka mid aha Xildhibaan Zakariye Xaaji Cabdi oo xidhiidh dhaw la leh dalka Eritrea, kaas oo xubin ka ahaa Isbaheysigii Asmara lagu dhisay ee ka dhanka ahaa Ciidamadii Itoobiya ee Soomaaliya soo galay 2006-dii.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tagi doona dalka Eritrea marka uu ka soo laabto safarka uu hadda ugu maqan yahay dalka China.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tagi doona Magalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya halkaas oo isaga iyo Ismaaciil Cumar Geelle ay kaga qaybgeli doonaan shir lagu heshiisiinayo Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker