Trump oo cunaqabatayn Horle Dul saaray Kuuriyada Waqooyi!

Hargeysa (OWN) Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo cusboonaysiiyay cunaqabatayno cusub oo uu kusoo rogey Kuuriyada Waqooyi, inkasta oo 10 maalmood uun ka hor ay ahayd markii uu Singapore kula kulmay hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong-un.

Shirkaasi isaga ah, Trump waxa uu yidhi “Kuuriyada Waqooyi halis niyuukliyeer kuma hayso dunida”.

Donald Trump iyo Kim Jong-un oo dhex lugeynaya Capella Hotel oo ku yaala Singapore

Talaabadan ayaa imanaysa xili ay muuqatay saansaan isu soo dhawaansho ah, iyada oo Maraykanka uu joojiyay carbis ciidamada Kuuriyada Koonfureed uu la lahaa , taas oo qeyb ka ahayd waxyaabihii lagu heshiiyay.

Trump miyuu badalay aragtidiisii Kuuriyada Waqooyi?

Lama oran karo raas, balse Maraykanka waxa uu leeyahay xaalad degdeg ah oo uu kula macaamilo Kuuriyada Waqooyi, oo loo arkayay dal halis badan, sidaasi darteedna madaxweyne kasta waxa uu cusboonaysiin jirey cunaqabataynta.

Xildhibaanada xisbiga Dimoqoraadiga ayaa sheegay in luuqada lagu qorey cunaqabataynta ay ka duwantahay hadalkii uu ku hadlay Trump markii uu la shirey Kim.

Maraykanka ayaa joojiyay dhoolatus uu la samayn lahaa Kuuriyada Koonfureed

Kulankii Singapore waxa ay labada hoggaamiye saxiixeen heshiisyo, waxaa ka mid ahaa in Maraykanka uu damaanad qaado amniga Kuuriyada Waqooyi, iyada oo dalkana uu burburiyo hubka Niyuukleerka.

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in cunaqabataynta ay sii jiri doonto illaa ay ka miro dhalayaan wadahadalada.

SOURCE: BBC NEWS

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker