Maxkamadda Racfaanka Kenya Oo Laashay Doorashada Badhasaabka Gobolka Wajeer

Maxkamadda Racfaanka ee Kenya ayaa maanta ayyiday xukun ay hore u ridday Maxkamadda Sare ee Kenya, kaas oo ahaa in doorashadii uu hore ugu guulaystay badhasaabka gobolka Wajeer, Maxamed Cabdi, ay ahayd mid u dhacday sifo aan sharci waafaqsanayn, isla markaana amar ku bixisay in lagu celiyo.

Xukunkaa hore ee ay maanta ayyiday Maxkamadda Racfaanku, waxa uu soo baxay 12-kii January, waxaa riday garsoore Alfred Mabeya, oo ku saleeyey xukunkiisa in doorashadaasi u dhacday si aan waafaqsanayn sharciga doorashooyinka dalka, iyo sidoo kale in shahaadooyinka waxbarasho ee Maxamed Cabdi aanay ahayn kuwo gaadhsiisan heerka tacliinta ee sharcigu qeexay, maadaama Maxamed Cabdi aanu haysan shahaado jaamacadeed oo la aqoonsanyahay.

Hase ahaatee, Maxamed Cabdi, oo ka tirsan xisbiga talada dalka haya ee Jubilee ayaa racfaan ka qaatay xukunkaa hore. Waxa uu ku dooday in garsoorihii dacwadaa qaaday uu sharciga si khalday u fasiray, isla markaana ay Maxkamadda Sare iska indho tirtay caddaymo muhiim ahaa oo la hor geeyey, kuwaas oo muujinayey sida ay sharciga u waafaqsanayd doorashadiisu.

Hase yeeshee, markii racfaankiisii ay dhegaysatay Maxkamadda Racfaanka ee dalku, waxa ay sheegtay in xukunkii hore ee Maxkamadda Sare gaadhay ahaa mid ku salaysan sharciga iyo xeerarka doorashooyinka dalka, sidaas awgeedna ay xukunkeeda ku ayyidayso kaa hore, oo ah in doorashadii Maxamed Cabdi ku soo baxay loo qabtay sifo aan waafaqsanayn sharciga iyo xeerarka doorashada dalka Kenya. Isla markaana ay amar ku bixisay in doorashada badhasaabnimada gobolka Wajeer mar kale lagu celiyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker