SHEEKADII JACAYLKII KALA BAADAY!!!

Wakhtigii waxbarasho waxa soo maray waayaha dhalinyarada jaamacada Sheeko jacayl oo xusuus iyo murugo badan ku reebaysa qalbiga qofka akhristaha ah, waa maalin xusuus mudan qofkasta oo bani aadam ahna uu ku qasban yahay in uu wax ka qoro ama uu xuso dhibaatooyinka iyo qisooyinka ku dhacay ee dhinaca jacaylka,

Cabdi wuxu ahaa wiil aad u wanaagsan, wuxuuna ka mid ahaa ardayda loogu jecelayahay jaamacada, waa bulshaawi xadaari ah, oo ay u dheertahay aftahanimo,  baanasho iyo kalsooni uu isku qabo, maalin maalimaha ka mid ah waxa uu si kadis ah ula kulmay xamda oo iyaduna ardayda ka ahayd jaamacadda.

    Xamda waa gabadh, khaaliqu ku manaystay qurux, dabeecad, xurmo iyo sharaf, waa gabadh xishood badan oo hadal gaaban, isla markaana waalidkeed ku soo koriyeen tarbiyad wacan taas oo dhalinyasa in ay noqoto gabadh had iyo jeer asturan, waana hablaha dhifka ah ee ugu ixtiraamka badan jaamacadda.

Laga bilaabo maalintii uu Cabdi arkay Xamda, waxa galay dareen caashaq oo wax badan ka badalay qaabkii hore ee uu jaamacadda u dhigan jiray, jaamacadii uu jeclaaday isla markaana wuxuu aad u xiisayn jiray in had iyo jeer uu u hor fadhiisto kuraasta ku hor taala qaybta ay dhigato xamda.

Maalin uga duwan maalmaha kale, waxa ay si lama filaan ah iskaga soo hor bexeen albaabka hore ee jaamcada iyada oo la socta koox hablo ah oo ay badhtamaha ugu jirto, wakhtigu waa gu’ oo dhirta ku beeran jaamacadda iftiinkoodii ayaad mooda in laga dhex arko wajigeeda, dhulkuna aad ayuu u qurux badanaa, balse hablaha ay la soctay waxa ay u ahayd, sidii dayax cirka ka soo iftiimaya oo xidigaha ka ag dhawina ay hareero socdaan.

Wuxuu ahaa kulan ku dhamaaday dareen dhinac kaliyaata ah, oo wiilku ku caashaqay inaanta balse wax dareen ah muu siinin, waana sababta keentay in jacaylkii bari samaadkii ee laga joogay in ku dhaw toban sanadood uu dib u soo curto, waxa ay ahayd habeen jimce ah, waxa aan xusuustaa dheer u galay si aan sawirkeeda mar kale uga dhex baadho, sawirada ku kaydsan maskaxdayada, waxaan u xasuustaa sidii oo ay shalaytoole ahayd, wakhtigaa dheer ee xusuustiisa leh.

Guntii iyo gabo gabadii waxa aan jeclaan lahaa, in maalin uun aan xaqiijiyo oo aan kaga dhabeeyo jacaylkaa ku dhamaaday baqdinta, xamda waxa ay noqtay gabadha kaliyaata ee aduunkan aanu ku noolnahay iga awood badan igna buruud weyn, sababtoo ah waxa aan u sheegan kari wayay dareen ii hayay mudo gaadhaysa toban sanadood.

 

FG:  sheekadani waa sheeko xaqiiqo ah oo ku dhacday wiil aanu saaxiib nahay, isla markaana magacyada aan badalay ayaa sababtay in aan la fahmin qofkuu yahay balse waxa aan ku rajo weynahay in ay u rumawdo saaxiibkay iyo inantaa uu qalbigiisu raacay, sidoo kale waxa aan ka cudur daaranayaa wixii khalad ah ee ka yimaada oo aan madaxada saaranayo, si aan u helno inantaa dahabka nooga qaalisan ee saaxiibkay intaas oo sanadood uu raadinayay.

 

 

Qore : Jimcaale  Cabdiraxmaan Madar

Hargeisa – Somaliland

Whatsapp : +252-634428674

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker