Booliska Turkiga oo xiray haweeney looga shakisan yahay qaraxii ka dhacay Istanbul
Masโuuliyiinta Turkiga waxay sheegeen inay xireen 46 qof oo lala xiriirayaan qaraxii dhimashada badan geystay ee Axaddii ka dhacay magaalada Istanbul.
Waxaana dadkaas la xiray kamid haweeney looga shakisan yahay inay ka dambeysay qaraxaas.
Booliska waxay magaca haweeneyda ku sheegeen -Axlaam Bashiir- oo la sheegay inay soo tababareen maleeshiyaadka Kurdida ee laga mamnuucay Turkiga ee PKK.
Ilaa hadda ma jirto koox sheegatay masโuuliyadda qaraxii Istanbul.
Qaraxa ayaa ka dhacay mid kamid ah meelaha ugu mashquulka badan ee laga dukaameysto ee ku yaalla Istanbul, waxaana ku dhintay ugu yaraan 6 qof halka in ka badan 8 qofna ay ku dhaawacmeen.