Dagaalka dawladaha waawayn

Ilaahay baa wayn oo awoodle waa run , waxaase jirra Binu’aadam Ilaahay awood siiyey oo Aduunyadan aynu joogno gacan ku haynteeda ku loolamaya .

Loolanka iyo is muquuninta dawladaha waawayn u dhaxaysaana waa mid aan xeer iyo xayo  aanay xakamaynin oo dadnimo ka bax ah , Ilaahay na subxaana wa tacaalee , Quraankiisa ayuu in badan adoomaha ugu digay in aanay aduunka fa sahaadin , hadeerse waxaaa muuqata in fasaadkiidawladahaa waawayni u tartamayaan .

Sadhadan Aduunyadda ku faaftay ka hor waxaa loolan xoogle oo xaga dhaqaalaha ihi u dhaxeeyey Maraykan iyo Jayne , kuwaasoo mudaba is raad gurayay , ayaamihii sadhadani soo baxdayna labadooda ayay ahaayeen kuwii masiibadan isku tuurtuurayay .

Caawa aduunka sadex meelood ayaa ugu badan  saamaynta sadhadan , Chine , Maraykan iyo Yurub , weliba yurub iskuma jirtee yurubtii galbeed,markaad eegto meelaha uu xanuunkani biyo dhigayna waa meelihii dhaqaaluhu yaalay iyo xarumahii atoorayaasha is eryanaya .

Wadamadii saboolka ahaa ee Afrika iyo Eeshiyana weli waa ladan yihiin , waxayse wadnaha farta kaga hayaan in sadhadani soo gaadho iyagoo aan sababteeda iyo samaynteeda midna aan shuqul ku lahayn .

 

Dagaalka dawladaha waawayn iyo dambaabidhadiisa alle ha inaga Nabadgelyo .

 

 

Axmed Nuur Guruje

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker