Dagaalka Sadhada Karoona (Cronavirus) intuu socdo sideed uga mid noqon kartaa hantiileyaasha?

Dagaalka Sadhada Karoona (Cronavirus) intuu socdo sideed uga mid noqon kartaa hantiileyaasha?
Digniin la’aan, nolosheenii ayaa mar qudha is geddiday. Waxaad moodaa in aynu daawanayno filim argagax badan. “ Guryihiina ku negaada” waa kalmadda ugu badan ee adduunka ku baahday iyada oo afaf badan ku qoran. Magaalooyin dhan ayaa isu-baddalay magaalooyin ay ku noolyihiin rooxaan sababtuna ay tahay sadho ili-maqabatay ah!
Xanuunkan cusubi muu kala saarrin siyaasi iyo qof caadi ah…qani iyo faqiir.. ma garan karno siduu ku billaabmay iyo wixii sababay. Dhaqaalihii adduunka ayaa burburay, waxaana faalooyinka ugu badan la hadal hayaa in awoodo cusub ay soo bixi doonaan oo adduunka hogaamin doona, kuwii horena hoos mari doonaan. Wuxuu sababay in Maraykan oo ahaa dalkii adduunku ugu awoodda badnaa muwaadiniintiisi jahawareer ku dhaco, cuntadii boobaan, hubkii urursadaan, magaalooyinkiina banneeyaan.
Waa musiibo adduunka hu habsatay sida ay caddaysay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadku. Laakiin mararkan oo kale waa markii ninka taajirka ah ee maskaxda badani ka fikiri lahaa siduu uu fursaddaa uga faa’iideyn lahaa. Ma bannaantahay in aynu fursaddaa ka hadalno?
Darsiga koowaad ee Karoona ina barayaa waa in saboolnimada, taajirnimada, hantida, iyo dahabku ayna calaamad u ahayn farxadda iyo liibaanta. Tallaabada koowaad ee la inooga baahan yahay waqtigan la inagu soo rogay in aynu guryaheenu ina deeqaan waa in aynu nafaheena dib ula xisaabtano, macbuudka ina uummayna heshiis dib ula galno aynu adduun iyo aakhiroba ku liibaano. Heshiiskaa ganacsi ee aynu Allaheena la galaynaa waa mid aan marnaba lagu khasaareyn!
Karoona waxa uu ina xusuusiyey awoodda Eebbe, isaga ayaynu dib ugu laabbanaynaa inaga oo ka maarmeyna cid kasta oo kale. Waxa aynu dib-u-eegis ku samaynaynaa sidii aynu ula dhaqmaynay nafteena, qoyskeena, qaraabadeena iyo bulshadeenaba. Waxa aynu dib-u-eegis ku samaynaynaa abuurta Eebbe iyo awooddiisa iyo diciifnimada addoomaha iyo inta awooddoodu gaadhsiisan tahay.
Karoona intuu socdo dad badan ayaa ka faa’iidaya oo alaabooyin aan hore uga socon jirin sida daadka looga iibsanaya waana ganacsi u bannaan in ay sameeyaan.
Waxa aynu haysanaa fursad aynu dib-u-eegis ku samayno nafteena, Illaahyna u toobad keeno.
Aynu u midawno sidii aynu uga takhalusi lahayn Karoona iyo dunuubtii aynu nafaheena ka galnay. Aynu qoysaskeena iyo bulshadaba ka dhex abuurno farxad iyo xasilooni ka hor inta aynaan ka jarmaadin adduunyadan iyada oo aan qofna ka qaybgelin aaskaaga….
Illeyn danbay ahayd intii lagugu sii tukanayey ee qabrigaaga dushiisa laguugu sii ducaynayey!
Abdoulkarim Qurusdoon

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker